Daawo Sawirada:- Madaxweyne Al-Bashiir oon Xalay Khubadiisa uga hadlin War lawada dhoorayay Maalmahan.

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Al-Bashiir oon Xalay Khubadiisa uga hadlin War lawada dhoorayay Maalmahan.

daajis.com:-Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Axmed (Albashiir) ayaa Xalay Khudbad dheer ka jeediyay Hoolka Shirarka ee (Qaacatu Sadaaqah) ee Magaaladda Khartuum , iyadoo ay kasoo qeyb galeen Dhammaan Axsaabta ugu waaweyn kuwooda Mucaaradka iyo Muxaafadka intaba iyo Diplomaasiyiinta Ajaanibta ah ee ku sugan Magaaladda Khartuum.

Madaxweyne Albashiir oo khudbadiisa socotay ku dhawaad hal saac iyo bar ayaa kaga hadlay inuu dib u Habeyn Ballaaran ku sameyn doono Siyaasadda , taasoo ay qeyb ka noqonayaan Awoodaha Siyaasadeed ee doonaya inay dalka horumariyaan sida Axsaabta Mucaaradka oo iyaga diidsan Nidaamka Albashiir uu wax ku wado.

Sidoo kale Khudbadiisa ayuu ku sheegay in Wadahadal Siyaasadeed uu u furi doono Siyaasiyiinta kuwooda hubeysan iyo kuwa sacbooleyda ah waa hadii aay qaataan nabadda , inuu wax ka qaban doono degnaashiya la’aanta Siyaadda Dalka, Dhaqaalo xumida soo wajahday iyo in Xisbigiisa Tala haaya uusan isu koobi doonin Siyaasadda Dalka.

Albashiir ayaa Axsaabta Mucaaradka ugu yeeray in ay u tartamaan Wadaniyad, la iskana daayo qabyaaladda baabi’say Qaaradda Afrika oo idil, iyo sidii Horumarka Wadanka Sudan loogu shaqeyn lahaa.

Hoolka uu khudbada ka jeedinayay ayaa waxaa aad uga muuqday Axsaabta ugu waaweyn eee Mucaaradka ku ah Nidaamkiisa sida Xisbiyada ay hogaamiyaan Sheekh Xasan Turaabi , Saadiqal Mahdi, Gaazi Salaaxaddiin iyo kuwa kale.

Khudbada Madaxweynaha kadib ayaa Warbaahinta Caalamka Mikrafoonada la dhex qaaday qaar kamid ah Axsaabda Mucaaraka sida Sheekh Xasan Turaabi ,waxa uuna sheegay in Madaxweyne Albashiir waxa ay ka sugayeen uusan soo hadal qaadin hase ahaatee uu waqtiga ku dhameeyay khudbad aan waxba soo kordhineyn uu waligiisa ku hadli jiray.

Khudabadan uu Madaxweyne Albashiir ugu talagalay Shacabkiisa ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Xibigiisa Talada haaya uu khilaaf kala soo dhexgalay, iyadoo Axsaabta Mucaaradka iyo Shacabka ay ka war dhowrayeen inuu is badal weyn ku dhawaaqi doono oo ay ka mid tahay inuu xilka isaga tagi doono ama uusan dib isusoo sharaxi doonin, hase ahaatee ma aysan noqon sida laga filayay.

Dadka Odorosa Siyaasada Dalka Suudaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Albashiir uu Wadahadalo Rasmi ah uu lafuri doono Axsaabta Mucaaradka iyo inuu dhisi doono 2-sano Xukuumad Ku meel gaar ah oo ay ka soo wada muuqan doonaa Dhamman Awoodaha Siyaada iksu haaya, kadibna loo dareeri doono Doorashada Xilka Madaxtinimo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada