Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee NRC

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee NRC

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Norwegian Refugee Council (NRC) Mr Jan Egeland.

Xoghahaya Guud ee NRC waxaa ku wehliyey booqashadan Magnhild Vasset oo ah Agaasimaha mashaariicda caalamiga ah ee NRC iyo Xasan Kheyre oo ah Madaxa Geeska Afrika ee NRC.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa booqashadiina aad ku timaadeen dalka Soomaaliya, iyo howlaha muhiimka ah ee aad u heysaan shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto dhanka waxbarashada, qaxootiga iyo mashaariicda kale ee aad ka fulisaan dalka Soomaaliya. Waxaana idinku boorinayaa inaad kaalin weyn ka qaadataan barnaamijyada dowladda sida kan waxbarashada oo la doonayo in hal malyan oo carruur ah ay tagaan Iskuulada, dib u soo celinta qaxootiga iyo sidii qaxootiga dalka gudihiisa ku barakacay loogu celin lahaa guryahooda oo ay u heli lahaayeen hoy tayo leh, caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqo.”


Xoghayaha Guud ee NRC ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan dadaalada iyo kaalmada ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, ujeedadooduna tahay sidii caruurta, haweenka, waayeelka iyo shacabka ay u heli lahaayeen fursado geliya rajo oo ay dalka dib ugu dhisaan isla markaana ay uga maarmaan kaalmada dibedda.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegey in dalka Soomaaliya uu yahay qani, heystana kheyraad fara badan oo marka dalku xasilo ay Soomaalidu fursad u helayaan ay kheyraadkooda soo saartaan taasoo keenta dalka oo noqdo barwaaqo iyo bashbash.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada