Daawo Sawirada:- Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo Maanta la dhaariyay

Daawo Sawirada:- Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo Maanta la dhaariyay

daajis.com:-Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la dhaariyay, waxaana munaasabadda dhaarinta goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuukumada Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana shir guddoominayay kalfadhigan oo ugu dambeeyey Golaha Baarlamaanka oo galay fasax hal bil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka sida caadada ahba, waxaana lagu hor dhaariyay golaha Baarlamaanka iyo sidoo kale madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhaarta kadib, hadal ka jeediyay kulanka, isaga oo uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka talaabooyinkooda xil kasnimada leh, wuxuuna ku tilmaamay go’aankoodii shalay ay ku meel mariyeen dhismaha xukuumada mid taariikhi ah.


“Sharaf ayay ii tahay inaan markii saddexaad idin hor imaado, waxaana jeclahay inaan idiinkaga mahadceliyo go’aankiinii taariikhiga ahaa ee aad shalay ku ogolaateen xubnaha golaheyga Wasiirada, waxaana laga bilaabo saacadan la joogo idiin balan qaadeynaa inaan u howlgali doono dhaqangelinta qorshe howleedka xukuumada iyo gudashada waajibaadkeena Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray.

“Golaha Wasiirada waxaan hortiina ka farayaa in xubin kasta oo golaha Wasiirada inuu wada shaqeyn dhow la yeesho guddiyada Baarlamaanka ee ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso, waana inaad tixgelisaan talooyinkooda iyo aragtidooda”.

Gabagabadiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in golaha Wasiirada laga sugayo howl culus oo mudnaanteeda leh, wuxuuna si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeyso qaxootiga gudaha iyo dibaddaba daadsan ee aanan heysan Hoy iyo Hu’, sidaasi darteedna laga shaqeeyo har iyo habeenba sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen caawimaad dawladeed iyo mida beesha caalamkaba.
















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada