Dhaqangelinta heshiiska Iran 20 January Sawirro + warbixin

Dhaqangelinta heshiiska Iran 20 January Sawirro + warbixin

daajis.com:-Dhaqangelinta heshiiska ay gaareen Iran iyo quwadaha adduunka ee la xiriira barnaamijka Nukiliyarka ee Iran ayaa billabanaysa 20-ka bishan koobaad ee January.

Iran iyo waddamada awooda leh ayaa horey u gaaray heshiis ah sidii loo joojin lahaa bacriminta Nukiliyarka Iraan.

Cunaqabataynta Iraan

Dhinacyada ayaa haatan isku afgartay in Iran ay joojiso kobcinta macdanta Yuraaniymta, waxayna taasi ku baddelanaysaa in laga dabciyo cunaqabataynta saaran.
Waxa la sheegayaa in heshiiskan uu waddada u xaari doono in dhinacyada ay heshiis buuxa gaaraan lixda bilood ee soo socota.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay arrintan, basle waxaa uu sheegay in shaqo dheeri ah loo baahan yahay si loo gaaro heshiis joogta ah.
Waddamada reer galbeedka ayaa Iran ku eedeeyo inay samaysanayso hubka Nukiliyarka, balse Iran waxay ku doodaysaa in barnaamijkeeda Nukiliyarka uu yahay mid nabdgelyo ku dhisan oo loogu talagalay in lagu dhaliyo korontda.
Xoghayaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Yurub, Catherine Ashton, ayaa sheegtay in quwadaha dunida ay hay'adda Atomikada ee Caalamiga ka codsan doonaan inay ka baarandegto fulinta heshiiskan lala gaaray Iran.


Baarayaal caalami ah

Baarayaal caalami ah ayaa loo oggolaan doonaa inay baaraan xarumaha Nukiliyarka ee Iran.
Maraykanka ayaa sheegay in cunaqabatayn dheeri ah ay ku soo rogi doonaan Iran haddi ay fulin waydo heshiiskan ay la gaaratay quwadahana dunida.
Waddamada Maraykanka, Britain, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa heshiiska la saxiixday Iran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada