Digniin laga soo saaray dadka Aalada Whatsapp-ka ku dhex isticmaala waddooyinka Dhaxdooda

Digniin laga soo saaray dadka Aalada Whatsapp-ka ku dhex isticmaala waddooyinka Dhaxdooda

daajis.com:-Waxaa laga digayaa in ayadoo la socdo oo waddo la marayo in taleefoonka gacanta laga isticmaalo Aaaladda WhatsApp ,ka waayo waxaa uu leeyahay dhibaatooyin badan oo ku dhici kara qofka isticmaalaya.

Guddi baaray dhibaatooyinka laga dhaxlo ayaa sheegay in isticmaalka WhatsApp ,ka uu keeni karo in qofka uu socodka ka lumo oo uu waliba la kulmi karo halis ah in gaari ama tareen jiiro.

Dirista fariimaha lagu dirsado WhatsApp ,ka ayaa ku keena qofka inuu ku mashquulo taleefoonkiisa gacanta waxaana uu ka baxaa dareenka la socodka xaaladaha hareerihiisa ka jira markaas waxaa suurtogal ah inuu dhibaato adag la kulmo.

Macalimiin ka tirsan jaamacadda Queensland ee ku taala wadanka Australi ayaa sheegay in waraysiyo iyo tijaabooyin laga qaaday dad badan oo adeegsada aaladda WhatsApp ,ka ay qireen inay dhibaatooyin la kulmeen.

Kooxdaan xataa waxay ku doodayaan inuu socodka lumiyo oo qofka inta uu WhatsApp ,ka adeegsanayo uusan socon karin masaafo fog sida warbixintaan lagu yiri.

“Dadku marka ay wax qorayeen ee ay ku sheekaysanayaan WhatsApp ,ka tar tiib ayay u socdaan oo ma awoodaan inay si caadi ah u socdaan mararka qaarna shilal ayay galaan” waxaa sidaasi yiri Siobhan Schabrun oo bare ka ah jaamacaada Queensland.

Aaladda WhatsApp ,ka oo ka mid ah aaladaha bulashadu ku xiriirto ayaa si xawli ah u kordhaya dadka isticmaalaya waxaana inta badan laga isticmaala taleefoonada gacanta lagu qaato

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada