DAAWO VIDEO:- Mareykanka oo xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab

DAAWO VIDEO:- Mareykanka oo xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab

daajis.com:-Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa ka hadashay weerar shalay ay filiyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ee Drone oo shalay gelinkii dambe ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab xili uu marayay inta u dhaxeysa degmada Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War kasoo baxay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday Sahal Isku Dhuuq oo lagu naaneesi jiray Cammuu, isla markaana ka ahaa sarkaal aad ugu dhowaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana la xaqiijiyay inuu ahaa Madaxii Caafimaadka Al-Shabaab.

Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drone ayaa gantaal ku dhifatay kolonyo uu saarnaa sarkaalkan, waxaana la sheegayaa in sidoo kale ay ku dhinteen qaar ka tirsan Ilaaladiisa iyo darawalkii gaariga.

Ururka Al Shabaab weli kama hadlin duqeynta dhinaca cirka ah, ee lagu qaarajiyay Cammo Isku Dhuuq, xilli uu ku socdaalaayay duleedka Degmada Sablaale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada