Dowlada Kenya oo shaacisay tirada Saraakiil katirsan AL-Shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen Duqeyn shalay dhacday

Dowlada Kenya oo shaacisay tirada Saraakiil katirsan AL-Shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen Duqeyn shalay dhacday

daajis.com:-Dawlada Kenya ayaa sheegatay in duqeyn ay diyaaradaheeda dagaalka ay ka geysteen magaalada Garbahaarey ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Xarakadda Al-Shabab.

War lagu qoray wargeyska The Standard ee Nairobi ka soo baxa lagana soo xigtay taliska ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameedka oo aheyd dhismo ay ku shirayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabab lagu dilay in ka badan 30 ruux oo Al-Shabab ka tirsanaa sida Kenya sheegtay.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dadka goobta ku waxyeeloobay ay ku jiraan xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan inkastoo aysan magacyadooda sheegin waxaana uu intaa ku warku ku darayaa inay jiraan saraakiil Shabab ah oo ayagoo dhaawac ah goobta ka baxsaday.

Dawlada Kenya waxay sidoo kale sheegtay in duqeyntaan oo maqribnimadii shalay dhacday ay ku gubtay illaa gaari oo ay kuwa dagaal ku jiraan.

Dawlada Kenya dhawr jeer oo hore ayay sheegatay inay gudaha Soomaaliya ku dishay xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan hase ahaatee willi ma jiraan warar madax banaan oo ku saabsan sida ay wax uga dhaceen degaanka la duqeeyay.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada