Daawo Muuqaal:- Dagaalka Fallujah oo waji cusub yeeshay & xabada oo Xaafadaha ku faaftay + Warbixin

Daawo Muuqaal:- Dagaalka Fallujah oo waji cusub yeeshay & xabada oo Xaafadaha ku faaftay + Warbixin

daajis.com:-Dagaalka ka holcaya magaalada Fallujah ee dalka Ciraaq ayaa waji cusub yeeshay ka dib markii kooxihii halkaas qabsaday ee Al Qaacida lagu sheegay ay markaan soo gashteen shaar cusub kuwaas oo sheegay inay yihiin dadka deegaanka oo waliba lagu soo duulay. 


Deegaano ku yaala gobolkaas ayaa isbuuc ka hor waxaa qabsaday Maleeshiyaad sheegay inay yihiin ama taageersan yihiin ururka Al Qaacida balse iminka oo dagaal cir dhul ah lagu soo qaaday ayay is badaleen maleeshiyaadkii kuwaas oo sheegay inay yihiin xoogaga Suniga ku xoogan deegaanadaas iyo qabiilo is biirsaday. 

Dagaalka ayaa ka socda magaalooyinka Ramadi, Anbar iyo Fallujah balse waxaa weli la isku mari la´yahay xaafado badan oo ku yaala magaalada Fallujah. Masuulka ugu sareeya dalka Ciraaq Mr. Nuri al-Maliki wuxuu warbaahinta caalamka u sheegay inay dhawaan soo af jari doonaan dagaalka ka socda magaalada Fallujah oo ay kula jiraan ururka Al Qaacida . 

Dagaalka ayaa ilaa hada waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay in ka badan 200 oo qof waxeeyna dadka deegaanka ku eedeeyeen in ciidamada Milatariga dalka Ciraaq oo u badan Shiico ay wadaan xasuuq aan loo meel dayin kuna socda maleeshiyaadka dagaalamaya iyo shacabka yar ee ku harsan deegaanadaas. 





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada