Duqeyntii Shalay ka dhacday Gobolka Sh/Hoose oo la sheegay in la doonayay in lagu dilo Samantha Lewthwaite’s.

Duqeyntii Shalay ka dhacday Gobolka Sh/Hoose oo la sheegay in la doonayay in lagu dilo Samantha Lewthwaite’s.

daajis.com:-Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan maanta uga hadlay weerar shalay galinkii dambe ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka kaa oo lagu dilay sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab.

Warbaahinta Mareykanka ayaana sheegay in Weerarkii shalay ka dhacay Deegaanka Haaway ee u dhaxeeya Baraawe iyo Sablaale in la doonayay in lagu dilo haweeyney la sheegay in wax ay ka hogaaminaysay weerarki 21-bishii September sanadkii tagay ka dhacay magaalada Nairobi taa lagu magacaabo Samantha Lewthwaite’s.

Samantha Lewthwaite’s oo ah Haweeney asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ingiriiska ayaa horey loo shaaciyay in ay soo gashay Gudaha Soomaaliya ayna ku dhuumaneyso Deegaano kuyaala Koonfurta Soomaaliya ay maamulaan Al-Shabaab.

Warbaahinta Mareykanka waxa ay xuseen in weerarkaasi ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlada Mareykanka ku dooneysay in ay ku ciqaabo Samantha Lewthwaite’s oo lagu eedeyey in ay wax ka abaabushay weerarkii Westagate oo ay ku dhinteen 67-qof.

Weerarka Shalay galinkii dambe ka dhacay Gobolka Sh/Hoose ayaa la sheegay in la doonayay in lagu qaarijiyo ilaa Shan Sargaal oo katirsan Al-Shabaab ay ku jirto Haweeneyda Samantha Lewthwaite’s balse weerarkaasi kaliya lagu dilay Sargaalka lagu Magacaabo Axmed Cabdulqaadir Isku Dhuuq oo Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Caafimaadka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada