Faysal Cali Waraabe: - Xasan Sheekhow hadaad Khaatumo State aqoonsatay, anaguna Marka ayaan aqoonsaneynaa

Faysal Cali Waraabe: - Xasan Sheekhow hadaad Khaatumo State aqoonsatay, anaguna Marka ayaan aqoonsaneynaa

daajis.com:-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in hadii dadka reer Khaatumo tashteen, maamulna sameystaan ay aqoonsanayaan.

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay shir xibsigiisa uga furmay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aqoonsiga Khaatumo uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh ay si la mid ah iyagana u aqoonsanayaan Maamulka Marka sida uu yiri

“Xasan Sheekh waxaa leeyahay hadaad Khaatumo State u aqoonsatay, anagana Marka ayaa aqoonsaneynaa oo Shabellaha Hoose ah, halkaas oo dadkii lahaa ay joogaan, waxaa ku leenahay Soomaaliya iyo Somaliland ma mideyn kartidee Hawiye Maamul u sameey”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Mar uu ka hadlay shirkii magaalada Istanbul ku dhex maray Ergooyin ka kala socday dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ayuu sheegay in heshiisyadaas ay waxba ka jirin, hase ahaatee waxaa uu xusay in labo qodob ay ka soo heleen oo kala ah in Somaliland ay toos u hesho mucaawinada.

Feysal Cali Waraabe ayaa soo hadal qaaday doorashadii madaxtinimada Puntland uu ku guuleystay C/wali Gaas, waxaana uu xusay in markii uu ololaha ku jiray C/wali Gaas uu balan qaaday in Laascaanood soo celinayo, isagoo ugu baaqay in aany dagaal wax ku raadin, isla markaana dadka reer Sool iyo Sanaag ay leeyihiin dhulkooda.

“Puntland Madaxweynihii afaraad baa la caleema saaray waa dad tashaday, Cabdiweli wuxuu ololaha ku galay Sool iyo Sanaag baa soo celinaya, waxa leeyahay dadkii lahaa baa haya, saddexdii Madaxweyne kaa horeeyay wixii wanaag ay keeneen inaa wax ku dartid weeye, ma ahan inaa dagaal bilowdo, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, dad jaar ah beynu ahay, salaadiintooda salaadiinteena bey ka wanaagsan yihiin, waxaa leeyahay Cabdiweli codkii waa heshay caqliga ha shaqeeyo”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.


Ugu dambeyn waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo in maamulkiisa ka badan waayay, eex, musuq maasuq iyo qabyaalad in dadkii ay kala qeybisay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada