DAAWO SAWIRADA: Puntland oo soo bandhigtay hub ay kasoo qabsatay Shabaabka Galgala

DAAWO SAWIRADA: Puntland oo soo bandhigtay hub ay kasoo qabsatay Shabaabka Galgala

daajis.com:-Puntland ayaa soo bandhigtay hub ubadan rasaas iyo miinooyin kuwaasi oo ay lahaayen Al-shabaabtii kujirtay buuralayda gal-gala oo ay hada gacan haynta hayaan Ciidamada Puntland .

Sii hayaha Xilka Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo xarunta wasaaradda amniga ee magaalada Bosaaso warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay  in howlgalka ay sameeyeen ciidamada Puntland in lagu dilay sadex ka mid ah Al-shabaab , todobo qofna laga dhaawacay .

Taliye kuxigeenka booliska Puntland Gen. Muxidiin Axmed Muuse oo isna la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in ciidamada Puntland oo ka shaanaya sirdoonka dowlada in lagu helay xogo kusaabsan in kooxda ay isku aruursanaysay saldhig u dhow Galgala,balse ay ka feejigan yihiin .

Waxay Puntland sidookale soo bandhigtay miino diyaarsan, dawooyinkii , raashiinkii, astaanta Al-shabaab ee wajiga ay ku xirtaan oo ah calan madow oo uu ku qoranyahay towxiidka alle.

Gabagabadii Dowlada Puntland waxay xaqiijisay in hal askari uu uga dhintay weerarkii ay ku qabsadeedn deegaanka Gal-gala.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada