Maanta Oo Talaado Ah Iyo Wararka Xanta Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

Maanta Oo Talaado Ah Iyo Wararka Xanta Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

daajis.com:-Maalin wanaagan akhayaarta sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalin laha ee inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga oo aan ku soo qaadano wararka xanta ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Maalintii 28aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Ingariiska.
Hadaba maanta waxaan idiin soo uruurinay wararka xanta ee ugu waa weyn ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ku hor qoran laacib.net mas’uul kama ahan sugnaanshahooda.
the times
  • David Moyes ayaa uga digay ciyaartoydiisa aan qaab ciyaareedka fiican ku jirin inay kooxda ka tagi doonaan xagaaga haddii aysan horumarin isku sameynin sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Dhibaatada dishibiliin ee Dani Osvaldo kama aysan celinin xiisaha Inter Milan iyo Valencia kuwaasoo u soo dhawaaday Southampton.
daily mirror
  • Manchester United ayaa indhaha ku heysa inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee FC Porto Fernando.
  • PSG iyo Newcastle ayaa isku raacay heshiis 19 milyan ginni uu Yohan Cabaye ugu wareego kooxda Faransiiska ka dhisan.
  • Southampton ayaa ganaaxi doonta Dani Osvaldo ku dhawaad rubuc milyan ginni haddii uusan kooxda ka tagin isbuucaan.
  • Xiddiga diirada u saaran Manchester United iyo Chelsea Luke Shaw ayaan dooneynin inuu ka tago Southampton sida uu sheegay tababare Mauricio Pochettino.
the sun
  • Yohan Cabaye ayaa qarka ugu saaran inuu ku biiro PSG ka dib markii ay heshiis 19 milyan ginni la gaareen Newcastle.
  • Adel Taarabt ayaa loo sheegay inuusan wax mustaqbal ah ku laheyn Fulham.
  • Tababaraha Crystal Palace ayaa doonaya inuu la soo wareego xiddiga xorta ah Momo Sissoko ka hor maalinta jimcaha uu suuqa kala iibsiga ku egyahay.
daily mail
  • Wayne Rooney ayaa kalsooni ku qaba inuu saxiixayo heshiis rikoor cusub ah uu ku sii joogayo Manchester United, waxaana uu saxiixi doonaa ka hor dhamaadka isbuucaan.
  • Jose Mourinho ayaa laga yaabaa inuu goolhayaha Chelsea Thibaut Courtios oo amaah ku jooga Atletico Madrid ku soo bedesho Diego Costa.
  • Manchester United ayaa ka fiirsatay inay u dhaqaaqdo Daafaca Porto Eliaquim Mangala, kan kooxda St Etienne Kurt Zouma iyo Bayern Munich Dante iyagoo raadinaya bedelka Rio Ferdinand.
daily star
  • Arsene Wenger ayaa la siin doonaa 100 milyan ginni uu suuqa kala iibsiga ku galo ka dib markii uu ogolaaday heshiis cusub uu kooxda ku sii joogo.
daily express
  • Monaco ayaa sarre u qaadeysa xiisaheeda weeraryahanka Manchester United Javier Hernandez iyo kan Southampton Dani Osvaldo.
daily telegraph
  • Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa haatan diirada saaraya kaliya weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa madaama ay Blues haatan aqbashay in Wayne Rooney uu sii joogayo Manchester United.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada