Mursi oo maxkamd la soo taagay

Mursi oo maxkamd la soo taagay

daajis.com:-Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar Maxamad Mursi ayaa maxkamad la soo taagay, isagoo loo haysta inuu xabsi ka baxsaday xilligii uu socday kacdoonkii xukunka looga qaaday Xusni Mubarak.
Waxaa dacwadda lala soo taagay 130 ruux oo kale oo loo haysta inay iyagana xabsiga jabsadeen.
Dacwadan ayaa ka mid ah afar dacwadood oo kala duwan oo loo haysto madaxwaynihii hore Maxamad Muris

Diyaarad helikobtar

Mursi ayaa ka mid ahaa dadkii xabsigaas ku jiray xilliga ay maxaabiista soo baxsanayeen, iyadoo uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubarak.
Wakaalada wararka ee Masar ayaa ku warammaysa in Mursi diyaarad helikobtar ah ay ka soo qaadday xabsiga weyn ee Burj al-Carab oo ku yaalla magaalada Al-Iskandariyah.

Dhagaysiga dacwadda ayaa ka dhacaysa Akademiyadda Boliiska oo maanta amaankeeda aad loo adkeeyay


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada