Wasiirka Arimaha Gudaha oo si murugu leh uga hadlay Falkii ay Maanta Gaadiidka AMISOM ku jiireen Muwaadin Soomaali ah

Wasiirka Arimaha Gudaha oo si murugu leh uga hadlay Falkii ay Maanta Gaadiidka AMISOM ku jiireen Muwaadin Soomaali ah

daajis.com:-Wasiirka Arimaha gudaha Somaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Shilkii Maanta Gaadiidka Ciidamada AMISOM ku jireen Nin Taksiile ah xili ay gaadiidkaasi ay si qaldan laamiga u marayeen .

Wasiirka ayaana wax laga naxo oo laga xumaado ku tilmaamay in Gaadiidka Ciidamada AMISOM ay marsiiyaan Muwaadin Soomaali ah hadana ay isaga tagaan goobta uu shilku ka dhacay.

“Dowladda waxay ka xun tahay khasaaraha dhanka nolosha ee ka dhashay shilkaasi iyadoo uu bilawday baaritaan isla saaka galaya si loo baaro dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Maka al Mukarama,ayuu yiri Wasiirka”.

Mudane C/llaahi Goodax Barre oo sii hadlaya ayaa yiri “Waxaan ugu baaqaya AMISOM inay ixtiraamaan oo ay uhogaansamaan shuruucda waddanka uyaalla iyo inay la shaqeeyaan Booliska iyo dawladda Soomaaliya ee baaritaanka kuwada dhacdo uu ku dhintay marxuum Saalax Nuur Maxamed oo 41-sano jir ahaa kaasi oo ahaa nin Taksiile”.

Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM ay si bareer ah gaariga u marsiiyeen Muwaadin Soomaali ah iyadoona Xiligaa ka dib dad ka careesan Falkaasi ay xireen qeybo kamid ah Laamiga Maka Al-Mukarama.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada