Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Goordhaw oo War kasoo saaray ansixinta Golaha Wasiirada cusub

Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Goordhaw oo War kasoo saaray ansixinta Golaha Wasiirada cusub

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey ansixintii Golaha Wasiirada cusub.

Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyey islamarkaana si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Xukuumada cusub ee uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhisay.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan soo dhoweynayaa oo aan ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee demoqraadiyada ah ee baarlamaanku u ansixiyeen golaha wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo. Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Soomaaliyeed ahna danta shacabka ayaa wax ay shacabka iyo caalamka tuseysaa in hay’adaheena dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah.”

“Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumada cusub ay bilowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee Soomaalidu waxey ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba. Waa inaan goobaha haray ka saarnaa Al-Shabaab oo aan waddanka nabadeynaa, si aan u joojiyo khatarta argagaxisada. Goobaha cusub ee gacanta dowladda soo galana waa in shacabka la gaarsiiyaa adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Canshuurahana waa in la bilaabaa oo gundhig u ah dib-u-habeynta iyo maareynta maaliyadda, si aan dalka ugu horseedno soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah iyo horumarka guud. Sidoo kale baarlamaanka waxaa horyaalla inay ka doodaan, dib u eegis ku sameeyaan isla markaana ay soo saaraan shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo dalka.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada