Olole Xoogan oo ka dhan ah Xukuumada Cusub uu soo dhisay Ra'izul Wasaaraha oo kasocda Magaalada Muqdisho

Olole Xoogan oo ka dhan ah Xukuumada Cusub uu soo dhisay Ra'izul Wasaaraha oo kasocda Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay kawadaan abaabul xoogan oo ay kudoonayaan in Codka Kalsoonida ugu diidaan Xukuumada Cusub uu Habeen hore soo dhisay Ra'izul Wasaare Saacid.

Qaar kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho waxaa kasocda abaabul iyo is uruursi ay wadaan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu kasoo horjeeda Xukuumada Cusub ee lasoo dhisay.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ee wada ololaha ka dhanka ah Xukuumada Cusub ayaa iyagu sheegaya in aysan maranab aqbali dooin codka Kalsoonidana u diidi doonaan Xukuumada uu soo dhisay Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada Cusub ayaa tilmaamay waxyaabaha ay ku diidan yihiin in ay tahay in Golaha Wasiirada lagu soo daray xubno ay horey uga digeen in Xukuumada lagu soo daro oo katirsanaa Xukuumadii Ra'izul Wasaare Saacid.

Xildhibaanada Mucaaradka ah waxaa kusoo biiray Xildhibaano Cusub oo iyagu saluugsan Wasiirada lagu dhawaaqay Habeen hore iyo Xubno kale oo iyana horey loogu balan qaaday in Wasiiro laga dhigayo balse la iska ilaaway.

Ra'izul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayaa hada waxaa heesta Wal wal cusub oo ku aadan qaabkii ay ku heli lahaayeen Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana xaalka uga sii daray markii ay is casileen labo kamid ah Wasiiradii la Magaacay halka kuwa kalana laga cabsi qabo in ay is casilaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada