Qarax ka dhacay xarunta boliiska Qaahira

Qarax ka dhacay xarunta boliiska Qaahira

daajis.com:-Mas'uuliyiinta ammaanka ee Masar ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhacay meel dibedda ka ah xarunta boliiska ee magaalada Qaahira.
TV-ga dowladda ayaa sheegay in rasaas lais weydaarsaday kaddib markii uu qarxay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Waxaa jiro warar sheegaya in sadex ruux ay dhinteen dhowr kalena ay ku dhaacmeen, iyadoo qasaare soo gaaray dhismaha.
Shaqaalaha adeegga gurmadka ayaa la sheegayaa inay goobta yimaadeen.

Goobjoogayaal

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq ballaaran oo cirka isku shareeray.
Ilaa haatan lama oga waxa sababay qaraxaas.

Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdooyin ammaan darro ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dalkaas, Maxamad Mursi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada