Sergio Aguero Oo Bishaan Ku Soo Laaban Doona Manchester City.

Sergio Aguero Oo Bishaan Ku Soo Laaban Doona Manchester City.

daajis.com:-Tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay in weeraryahan Sergio Aguero inuu wadada u saaran yahay inuu ka soo laabto dhaawaca bishaan Janaayo.

25 jirkaan ayaa dhaawac ka soo gaaray kubka ku maqnaa tan iyo 14kii December kulankii ay 6-3 kaga badiyeen Arsenal, waxaana City ay ka cabsi qabtay inuu maqnaanayo muddo sideed isbuuc ah.
Laakiin markii la weydiiyay waqtiga uu Aguero soo laaban karo, Pellegrini ayaa yiri: “Bishaan Janaayo dhexdeeda

“Waa uu shaqeynayaa, tababar ayuuna qaadanayaa. Waa war aad u fiican. Dhamaan ciyaartoyda dhaawaca ka soo kabsaneysa waa war wanaagsan, gaar ahaan ciyaaryahan muhim u ah sida Kun Aguero.”
Aguero ayaa dhaliyay 19 gool 20 kulan uu xilli ciyaareedkan u saftay City tartamada oo dhan, waxaana soo laabashadiisa ay kooxda siin doontaa niyad dhis weyn.

City ayaa wajihi doonta horyaalka Tottenham iyo Chelsea bishaan halka ay sidoo kale martigelin doonaan lugta hore ee wareega 16ka Champions League Barcelona 18ka Febraayo.

laacib
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada