David Moyes Oo Sheegay In Garsoorayaasha Ay Ka Hiiliyaan Markasto Kooxdiisa Man United

David Moyes Oo Sheegay In Garsoorayaasha Ay Ka Hiiliyaan Markasto Kooxdiisa Man United

daajis.com:-Tababaraha kooxda Man United David Moyes ayaa goor dhaw ka hadlay guul daradii soo gaartay caawa kooxdiisa isagoona sheegay in garsoorihii ciyaarta uu ka eexday kooxdiisa, wuxuuna tilmaamay in markasto garsoora yaasha ay ka eexdaan Man United, sidoo kale wuxuu sheegay in nasiibka uu ka hiiliyay kulankii u danbeeyay iyo kulanka caawa wuxuuna sheegay in midaas ay niyad jab ku tahay taageerayaasha kooxda Man United.

“Waqtigaan la joogo waxaan la ciyaarnaa kooxda nagasoo horjeeda iyo garsoorayaasha, lagayaabee inaan fahmo sababata ay markasto midaan ugu dhacdo kooxda Man United” ayuu u sheegay suxufiyiinta ciyaarta kadib.
“Waxaa nahaysta nasiib xumo layaab leh, gaar ahaan kulankii udanbeeyay, taas ayaana keenaysa in taageera yaasha ay niyad jabaan”. ayuu kusoo koobay hadal kiisa.

Waxaa xusid mudan in kooxda Man United aysan guulaysan kasoo bilow kulankii ay Tottenham uga badisay 1-2 horyaalka ingiriiska iyagoona caawa lagaraacay kulankii seddexaad oo isku xiga, arintaan ayaa ah mid ku cusub taageera yaasha kooxda United maadaama dhawaanahaan aysan arag kooxdooda oo lagaraacaayo 3 kulan oo isku xiga.
Laacib.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada