Video:- Waa maxey xiriirka ka dhexeeya Mursal Muuse iyo heesta Nolosha Cusub soo dhawee?

Video:- Waa maxey xiriirka ka dhexeeya Mursal Muuse iyo heesta Nolosha Cusub soo dhawee?

daajis.com:-Shakiga iyo xanta leysla dhexmaraayo ayaa sheegaya in fanaanka da'da yar ee Mursal Muuse uu  wali jecel yahay fanaanada Hodan Cabdiraxmaan ayaa cirka isku sii sharaartay kadib markii fanaanka Maxamed BK uu habeenkii sanadka cusub 2014 uu qaaday hees uu ku sheegay iney ka hadleyso qiso dhab ah,islamarkaana uu ereyada heesta u dhiibay Cabdirisaaq Xaamud Ceydiid Jeylaani.

Heestaan oo ah dardaaran ku wajahan shaqsi jaceyl ba'an u qaba qof aanu heli karin.
Shakiga iyo xanxanta waxaa sii huriyey fanaanka Mursal Muuse oo asaga goobta ku sugnaa markii uu gebi ahaanba muuqaalkiisii isbedelay,islamarkaana wejigiisa hoos u dhigay,daqiiqadaha uu madaxa kor usoo qaadana laga dareemayo wejigiisa dareen nuuc kale ah.halka fanaaniintii kale ee goobta ku sugnaa sacabada u tumayaan BK.
Haseyeeshee arinta tiiraanyada lehi ayaa ah iyadoo Mursal ay garabkiisa fadhiday xaaskiisa Khadra Silimo.
Taageerayaal badan ayaa u fasiraya heestaan in abwaanka uu kula dardaarmaya saaxiibkiis Mursal.laakin lama haayo war sugan oo ku saabsan xaqiiqada ka dambeysa heestan.



filmsheeg:
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada