WAR DEG DEG AH :- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsiga laga sii daayay

WAR DEG DEG AH :- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsiga laga sii daayay

daajis.com:-Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida Qaranka DFS eek u taalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,waxaana loo wareejiyay Guri  ku yaala Magaalada Muqdisho oo Xabsi Guri ahaan loogu hayn doono.

Odayaashii Beesha Habargidir, ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys kasoo kaxeeyay Xabsiga, islamarkaana geeyay Guri loogu diyaariyay Gudaha Muqdisho, waxaana Amaankiisa sugaya Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Sii Deynta Xasan Daahir, ayaa waxaa daajis.com u xaqiijiyay Qaar ka tirsan Odyaasha Beesha Habargidir.

Xasan Daahir ayaa ku jiray Xabsiga Dowladda tan iyo bishii June ee sanadkii 2013,waxaana uu diiday in uu ka tanaasulo Mowqifkiisii hore ee uu uga mid ahaa Kooxda Al Shabaab, si DFS ay xuriyadiisa u siiso. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada