War Deg-Deg:- Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed

War Deg-Deg:- Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Sablaale, ayaa sheegaya in galabta diyaarad nooca Drones-ka ay beegsaday kolonyo uu la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Weerarkaan, ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Degmooyinka Sablaale iyo Baraawe, waxaana weerarkan ku dhintay Sarkaal lagu magacaabo Axmad C/qaadir C/llaahi oo lagu naaneeso Cammo Isku-dhuuq, kaasooo ahaa madaxii Caafimaadka Al-Shabaab.

Ninkaan oo si dhow ugu dhawaa Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed "Godane", ayaa waxaa hadana la sheegay in muddooyinkaan dambe, uu khilaaf hareereeyay.

Cammo Isku-dhuuq, ayaa waxaa lala dilay wadihii gaarigiisii oo magaciisa lagu sheegay Maxamed C/laahi.

Ururka Al Shabaab weli kama hadlin duqeynta dhinaca cirka ah, ee galabta lagu qaarajiyay Cammo Isku Dhuuq, xilli uu ku socdaalaayay duleedka Degmada Sablaale.

Saacidihii u danbeeyay ayaa dadka ku dhaqan Deegaanka Sablaale, ayaa waxay sheegeen in ay maqlayeen guuxa diyaarado aan si rasmi ah loo aqoon dalalka laga lee yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada