Barnaamijka Soomali Got Talent oo markii ugu horeeyay laga Hirgaliyay Gobalka Soomaalida Itoobiya

Barnaamijka Soomali Got Talent oo markii ugu horeeyay laga Hirgaliyay Gobalka Soomaalida Itoobiya

daajis.com:-Barnaamijka Somali Got Talent ayaa markii ugu horaysay laga hirgaliyay Magaalada Jig jiga Xarunta deegaanka soomaalida itoobiya kaa oo ka qayb galayaan Fanaaniin kala duwan.

Barnaamijkaa ayaa waxaa gudiga qiimaynaya ka mid ah fanaanada Nimco dareen iyo fanaanka kale Cali dhaanto waaxana ka qayb galaya fanaaniin da,a yar oo ka mid ah fanaaniinta reer jig jiga.

Qaban qabiyaasha Barnaamijkaa ayaa sheegay in ujeedka loo aas aasay in ay tahay sidii loo soo saari lahaa fanaaniin da,a yar ah oo ka dhax muuqda fanka deegaanka waxaana barnaamijkaa uu yahay markii ugu horaysay halkaa laga hirgaliyo.

Tageerayaal badan ayaa soo dhawayay waxaana barnaamijkaa si toos ah uga baxaa TV ESTV hayeeshee waxaa Barnaamijkaa si wayn looga soo dhawayay deegaanka Dowlada Soomaalida Itoobiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada