Yahuudkii Ariel Sharon oo Maanta Geeriyooday

Yahuudkii Ariel Sharon oo Maanta Geeriyooday

daajis.com:-Ariel Sharon, ra'iisul-wasaarihii hore ee Israel ayaa ku geeriyooday cisbitaal u dhow magaalada Tel Avid kadib markii uu muddo siddeed sanno ah uu miyir-doorsoonaa. Sharon ayaa ahaa 85 jir.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Sharon uu maanta oo Sabti ah geeriyooday.

Sharon, wuxuu Israel looga yaqaanay inuu ahaa askari geesi ahaa, isagoo ka qeybgalay dagaallo Israel ay gashay, gaar ahaa dagaalkii Yom Kippur ee 1973, halkaasoo ciidamada Israel ay ku galeen gacanka Suez.

Ariel Sharon, wuxuu ka qeybqaatay weerar lagu qaaday dalka Lebanon, kaasoo lagu xasuuqay boqolaal reer Falastin ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Sabra iyo Shatila 1982.

Dadka Falastiniyinta waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin arxan-darran oo ka mas'uul ahaa dilka boqolaal Falastiiniyiin ah.

Sannadkii 2001 ayuu noqday Ra'iisul-wasaaraha Israel.

Sannadkii 2006 ayuu Sharon xanuusaday, waxaana madaxa uga furmay dhiig, isagoo galay xaalad miyirdoorsanaan ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada