30 Sanadood Ka Dib Stoke City Oo Horyaalka Ku Garaacday Manchester United.

30 Sanadood Ka Dib Stoke City Oo Horyaalka Ku Garaacday Manchester United.

daajis.com:-Xilli ciyaareedka Man United ayaa weli ah mid aan waddo toosan laheyn ka dib markii ay maanta guuldarro xanuun badan kala kulmeen kooxda Stoke City oo marti loogu ahaa Brittainia Stadium, iyagoo ku badiyay 2-1 oo ay uga mahadcelinayaan Charlie Adam. Waana kulankii ugu horeysay oo ay Stoke City kaga badiso Man United Premier League tan iyo intii magacaas loo bixiyay 1992.

Tababare David Moyes ayaa ku soo bilaabay ciyaarta seddexda xiddig ee Juan Mata, Rooney iyo Robin van Persie kuwasoo markii ugu horeysay iskula soo bilowday, laakiin qaab ciyaareedka Moyes ee kubadaha dhaadheer ayaa noqday mid aan mirodhal aheyn.
Stoke City ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 38aad markii laad xor ah uu tuuray Charlie Adam ay ku dhacday Michael Carrick taasoo dhanka qaldan u dirtay goolhaye De Gea.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Stoke City, iyadoo United ay sidoo kale naxdin ku aheyd dhaawac soo gaaray Phil Jones kaasoo bareelo looga saaray garoonka ka hor inta aan la aadin waqtiga nasashada.
Man United ayaana ciyaarta barbareysay labo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad, iyadoo Robin van Persie uu kubad dabamarisiiyay Begovic ka dib caawin uu ka helay xiddiga reer Spain Juan Mata.
Laakiin Stoke City ayaa hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 52aad markii Charlie Adam uu mar kale shabaqa ka soo taabtay Man United isagoo kubad gantaal fiican aheyd meel kore ka geliyay shabaqa.
Daqiiqadii 62aad Juan Mata ayaa ku andacooday inuu rigoore leeyahay laakiin garsooraha ayaa ka beeniyay.
Halka United ay fursado halis ah oo xiriir ah heshay dhamaadkii ciyaarta, oo ay ku jirtay kubad birta kaga dhacday laakiin waa ay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan.

United ayaana ku guuldareysatay inay ciyaarta ku soo laabato taasoo keentay inay ciyaarta ku dhamaato 2-1 oo ay Stoke City ku badiso markii ugu horeysay muddo 30 sanadood ah kulan horyaalka ah oo ay la ciyaaraan Manchester United. Waaa 20 sanadood ka dib guushii ugu horeysay ee tartamada oo dhan oo ay Stoke City ka gaarto Man United.
Waa kulankii sideedaad oo laga badiyo kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
United ayaa weli ku jirta kaalinta 7aad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 40 dhibcood, waxaana mugdi sii galaya rajadooda u soo bixitaanka Champions League.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada