Bal Daawo Muuqaal ahaan Wiilkaan oo ka hadlaya:- Wiil yar oo indha la oo Qur'aanka Kariimka u xifdiyay si cajiib ah

Bal Daawo Muuqaal ahaan Wiilkaan oo ka hadlaya:- Wiil yar oo indha la oo Qur'aanka Kariimka u xifdiyay si cajiib ah

daajis.com:-Adduunyadda aynu ku noolnahay waxaa uu Alle wayne dadka ugu sameeyay in ay ku cibra qaataan, wuxuuna Alle wayne qur,aankiisa mar waliba inoogu xusay qofkii Alle wayne si daacad ah u wakiisha in uu guul iyo baraare aan la gaari karin hiigsan doono, waxaana taas kaaga filan wiil yar oo indhaha la, oo u dhashay dalka sucuudiga oo qur'aanka si aan horay loo arag u xifdiyay nuuc waliba oo loogu keenan ka jawaabaya.

Wiilkaa waxaa ku dadaalay Waalidkii dhalay oo ku haminayay in ay wiilkooda ay ka go'antahay in ay baraan qur'aanka Kariimka isaga oo ku dhashay indha la,aan, Hooyada dhishay wiilka yar oo lagu magacaabo Jihaad Al Maaliki ayaa har iyo habeen waxay ku dul aqrin jirtay wiilkeeda qur'aanka si uusan wax kale u maqlin inta uu dhalaanka da'da yar yahay.

Sheekh Jihaad oo ah wiil 7 sanno jir ah ayaa waxaa ka muuqata Sharaf iyo nuur ka kacaya wajigiisa taas oo Alle wayne ku nuuriyay qalbigiisa Qur'aanka kariimka, waxaa uuna kalsooni buuxda wiilkaasi ku qabay mar la waydiiyay araga uu Alle wayne ka qaaday sida uu u arko, wuxuuna yiri " Waxaan ku kalsoonahay in uu Alle muuqaalka iga qaatay laakiin araga uu ii joogo" kalsooni weyn darteedna waxaa uusoo dalaalsaday Aayad Qur'aan.




Hadaba ugu danbeystii Wiilkaani ma ahan wiil mucjiso ah ee laakiin waxaa heerkaan gaarsiiyay labada waalid ee dhalay oo suura geliyay in ay maanta indhahooda ku qabowsadaan miriihii ay ku beerteyn wiilkooda, Anagana waxaan maanta awlaadii aan dhalnay u kaxeenaa shinoomooyin si aan ugu raali gelino awlaadii aan dhalnay, kuwa qurbaha ku nool oo waalidiinta ahna ay inta badan caruurtooda dugsiyada Qur'aanka u geeyaan oo kaliya in aysan iyaga ku dhibin guriga iyo wax lamid ah. 

Hadaba walaal si fiican u daawo wiilkaan yar sida uu qur,aanka maskaxdiisa ugu duubay.. .. Alloow Qur'aanka ina xifdisii sida wiilkaan Sheekh Jihaad iyo si ka fiican. .. Amiiin

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada