Al Shabaab oo 3 Waji oo cusub la soo baxday & Dad badan oo la yaaban "Daawo Sawir muujinaya 3-Qodob ah" !!

Al Shabaab oo 3 Waji oo cusub la soo baxday & Dad badan oo la yaaban "Daawo Sawir muujinaya 3-Qodob ah" !!

daajis.com:-Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad iyo aad ula yaaban wajiyo cusub oo ay la soo baxeen raga ugu sareeya ururka Al Shabaab kuwaas oo xiliyadii hore arimo ay diidanaan jireen iminka ku dhaqaaqay waliba shaki fara badan abuuray.

Shakiga ugu weyn ee shacab fara badan oo Soomaaliyeed ku beermay ayaa waxa uu yahay dhaqaalo la´aan ku habsatay ururkaan oo sababtay inay mabnuucaan hantida shirkado ganacsi iyaga oo sheegay inay u soo mareen dhanka Diinta ama Shareecada Islaamka .

Qubarada Soomaaliyeed ee ku taqsuustay siyaasadaha qarsoon ee ka taagan gudaha dalka Somalia waxeey qabaan in xarakada Al Shabaab ay mabnuuci doonaan cid alaale iyo cidii ka jarata dhaqaalihii la sii jiray iyaga oo u soo mari doona jidad kala duwan .

WAJIGA CUSUB EE URURKA AL SHABAAB LA SOO BAXAY AYAA WAXAA KA MID AH :

1- Qabiilo ama Beelo Soomaaliyeed ayay la shireen kuwaas oo sheegay inay la heshiyeen oo ay is garabsan doonaan (aaway Shareecadii Islaamka ee xiliyadii hore qabiilka lagu diidi jiray ?) .

2-Beeraleey iyo dad dhibaateeysan oo Koonfurta Soomaaliya ku nool ayay caawinaad iyo Dhaqaalo warsadeen kana gudoomeen (Aaway dhaqaalihii ururkaan uu ku howl gali jiray iyo Caanshuuraha ay ka aruuriyaan goobaha weli gacantooda ku jira ?) .

3-Shirkado ganacsi oo waligood horumarka dalka iyo Casriyeenta Telefoonada & Internetka ka shaqeysan jiray ayay mabnuuceen (Maxaa xiliyadii hore loo mabnuuci waayay waqtigii Al Shabaab inta badan dalka heesatay? ) .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada