Daawo Muuqaal "Haweenka Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidanka xooga una soo halgamay difaaca dalka oo Qaylo Dhaan keenay!!

Daawo Muuqaal "Haweenka Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidanka xooga una soo halgamay difaaca dalka oo Qaylo Dhaan keenay!!

daajis.com:-Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo foodsaartey wasaarada gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya ka dib markii haween Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jirey ciidanka xooga dalka Soomaaliya una soo halgamay difaaca dalka iyo dadka Soomaalida ay si foolxun oo sabab la'aan ah shaqada looga ruqseeyey islamarkaana loo sheegay inaan dib dambe loogu arkin xerooyinka ciidamada Soomaaliyeed arintaas oo ay caro weyn ka muujiyeen haweenkaas Soomaaliyeed ee shaqada laga ceyriyey. 


Haweenkaan Soomaalida ah ee laga ceyriyey sabab la'aanta shaqadoodii askarinimo oo dhawaantaan la hadlay warbaahinta ayaa waxay cabasho weyn ka muujiyeen sida naxariis darada ah ee ay ula dhaqmeen hogaanka sare ee wasaarada gaashaandhiga, Haweenkaan ayaa waxay sheegeen inay caruurtoodii iyo ragoodii iyo guud ahaanba noloshoodii ay ku waayeen difaaca dalka islamarkaana ay qaarkood qabaan dhaawac ka soo gaarey howshaas ay u hayeen qaranka islamarkaana ay tahay wax laga xumaado in sabab la'aann la dhigo banaanka oo laga ruqseeyo shaqadooda xilli ay diyaar u yihiin inay sii gutaan shaqadooda iyo difaaca dalka iyo dowlada Soomaaliyeed. 

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta la soo gudboonaatey haweenkaan Soomaaliyeed ee ah in laga ruqseeyo shaqadooda ay tahay arin lala yaabo maadaama aysan jirin sabab muuqata oo loo ruqseeyey haweenkaas ayaa abaanduulaha ciidanka Milatariga ee dowlada Soomaaliya Janaraal Cabdirisaaq KHaliif Cilmi ayaa waxaa uu sheegay inay arintaan ku timid dib habeyn lagu sameeyey ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ciidanka wixii howlgab ah laga fadhiisiyey shaqada islamarkaana la siin doono waxay xaq ugu leeyihiin dowlada, laakiin arintaas ayaan ahayn sida muuqata mid ay ku qanacsan yihiin haweenkaas u soo halgamay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Haweenkaan Soomaaliyeed ee ka tirsanaan jirey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo noloshooda u cabsi qaba ayaa waxay aduunka ka codsadeen in noloshooda la badbaadiyo oo la siiyo magan galyo siyaasadeed. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada