Daawo Ololaha duminta Dowladnimada Somalia iyo daqli aruursiga Damujadiid oo Muqdisho xoowli uga socda? hantida Damujadiid

Daawo Ololaha duminta Dowladnimada Somalia iyo daqli aruursiga Damujadiid oo Muqdisho xoowli uga socda? hantida Damujadiid

daajis.com:-Ololaha duminta Dowladnimada Somalia iyo daqli aruursiga DAMUJADIID ayaa Muqdisho ka xoogeeystay kadib markii ay taladii dalka maroorsadeen shaqsiyaad ka wada tirsan urur diimeedka Damu Jadiid kuwaas oo yoolkoodu yahay inay ka lacageeystaan xukunka 2016 ka hor.
Shaqsiyaadkii isu xilsaaray badbaadinta Qaranimada iyo waxqabashada bulshada Soomaaliyeed ayey shaqo joojin ku sameeyeen sida Wasiiradii adeega bulshada Dr Maryan Qaasim iyo Agaasimahii Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Faqi oo xilkii Hay'adaas iska casilay kadib markii laga hor istaagay inuu sii wado la dagaalankiisii kooxaha argagixisada Alqaeda.

Shaqsiyaadkaan talada ka tuuray Ra'isulwasaare Saacid waxay sameeysteen Shirkada qaata qandaraasyada dhismaha Muqdisho iyo mashaariicda kala duwan sida Shirkadda lagu magacaabo EAMECO oo la siiyay Mashruuca hoowlaha guud iyo dib u dhiska Magaalada Muqdisho.

Shirkadda EAMECO oo ay iska leeyihiin Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Abdikariim Guled iyo Wasiirka Dastuurka Farah Abdulkadir waxaa maamule ka aheyd haweeneey u dhalatay beesha Gugundhabe oo lagu magacaabo Nadiifo Mohamed Osman.
Kaadiriinta Damu Jadiid si qandaraasyada loo siiyo Shirkadooda waxay Wasiirka hoowlaha guud iyo dib u dhiska ka dhigteen haweeneeydii Shirkadooda maamulaha ka ahayd Marwo Nadiifo Mohamed.

Labadii Mashruuc ee Dowladaha Ciraaq iyo Saudi Arabia ku bixiyeen dib u dhiska adeega bulshada iyo Xarumaha Dowlada waxaa la siiyay Shirkadda EAMECO .HALKAAN KA FIIRI WEBSITE-KA EAMCO
Muqdisho waxay Madaxweyne Garguurte iyo saaxiibadiisa ka furteen Goobo ganacsi ,sidoo kale waxaa ka socda dhismayaal ay gaar u leeyihiin oo laga furi doono xarumo xanaano,Isbitaalo,Jaamacado iyo Hotelo dalxiisayaashu loogu talagalay.
Dadka Muqdisho jooga iyo Siyaasiyiinta ku jira Dowladda Somalia ma hadli karaan laakiin Daajis.com kasoo xiganeyna Warbaahinta Waagacusub ayaa soo sawirtay oo Video ka soo duubtay dhamaan goobaha ganacsiga ee Kooxda Damujadiid ku leeyihiin Muqdisho.

Inta badan goobaha Waxbarashada,dhismayaasha cusub,xawaaladaha iyo isgaarsiinta Muqdisho waxaa yeeshay oo iska leh Abdikariim Guled,Hassan Garguurte iyo Farah Abdulkadir,sida aad ka aragtaan sawirada aan ka soo qaadnay.
Kooxda Damujadiid waxay hantidii Qaranka ku furteen Bank weyn oo lagu magacaabo Trust African Bank iyo Eye National hospital.

Sida muuqata dalka Somalia waxaa qabsaday NGO leey isu bedelay ganacsato aan waxba ka aqoon siyaasad balse aaminsan fikir xagjirnimo ku dhisan.
Kaadiriinta dhaqaalaha badan ka sameeynaya duminta Dowladnimada Somalia waxay ruqseeyeen dhamaan haweenkii ku jiray Ciidanka dalka Soomaaliyeed,todobo boqol oo askari iyo Saraakiishii ugu faraha badnaa,sidoo kalena waxay guud ahaan laaleen qorshe la doonayay in lagu weeraro Baraawe iyo Jilib si looga sifeeyo argagixisada Al-Shabaab.

Inkastoo kaadiriintu qorsheeynayaan inay shaqada ka eryaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mr Tarsan hadana labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa Muqdisho laga maqlayay qaraxyo iyo madaafiic lagu garaacay Villa Somalia.
Falalkaan amaandarada huwan lama oga cidda fulineysa laakiin waxaa la rumeeysan yahay inay saraakiishii xaqdarada loo eryay iyo siyaasiyiin ka biyo diidsan xukun maroorsiga Damujadiid fulinayaan.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa muuqata in Damujadiid wajahi doonaan afgembi Melleteri ama kacdoon bulsho maadama ay dhaqaalahii dalka ku maalgashanayaan ganacsiyo u gaara iyo danahooda siyaasadeed.

By Dahir Alasow
dahir.alasow@waagacusub.net


Source: waagacusub


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada