Sir Culus: Hayadda Nabadsugida Qaranka Somalia oo Burburtay, Waa Maxay Sababtu?

Sir Culus: Hayadda Nabadsugida Qaranka Somalia oo Burburtay, Waa Maxay Sababtu?

daajis.com:-Taliyaha Hay'adda Nabadsugida Soomaaliya Gen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa gaarsiiyey hay'adda heerkeedii ugu hooseyay taariikhda. Bashiir Goobe ayaa aqoondaradiisa dhinaca nabadsugida waxay dad badani ogaadeen munaasabadii aasaaskii Hay'adda Nabadsugida qaranka .

Waxyaabaha uu Bashiir Goobe sheegay ayaa Xeeldheerayaasha Sirdoonka iyo Nabadsugida ku sifeeyeen fajaciso lala yaabo iyo ceeb taariikhiya oo ku hardhan diiwaankiisa.

Bashiir Goobe oo halis geliyay shaqaalaha Nabadsugida iyo dad aan ku lug laheyn wuxuu sheegay in lacag dawladda Turkiga ugu deeqday uu kusoo iibiyey mootooyinka Pajaj-ka loo yaqaan oo 3 lugooleyda ah oo uu saf geliyey, Tagsiyo iyo Gaari gacmeedyo wuxuuna sheegay in Hay’addu leedahay qalabkaan,, arintaas oo ah in hayadda Nabadusgidu sheegeyso shaqaalaheedii iyo xeeladahii ay ku shaqeyneysay, taasoo Qatar gelinaysa shaqaalaha u shaqeeya Hay’adda Nabadsugida, arinta cajiibka ah ee dhacday ayaa ahayd in Madaxweyne Hassan Sheekh uu arintaa ku farxay amaanayna in sirta hayadda Nabadsugida banaanka lasoo dhigo!.

Taliye Bashiir Goobe wuxuu askarta nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka u sameeyay calaamad garabka ugu dhigan,waxaana la yaab noqotay sida qof Sirdoona u qaato calaamad uu ku muujinayo inuu yahay Sirdoon.

Bashiir Goobe wuxuu khudbadiisa ku sheegay in Hay'adiisa furtay dukaaman Nabadsugidooda ka hoowlgalaan si amaanka loo xaqiijiyo laakiin taasi lafteeda wuxuu halis ku geliyay amaanka ganacsatada masaakiinta.

Bashiir Goobe ayaa Baabuurtii aan xabaduhu Karin ee Dawladda Imaaraadka Siisay Hayadda Nabdsugida u qeybiyey rag saaxiibadiis ah iyo Masuuliyiin Dawladda Soomaaliya u shaqeeya, baabuurtaan oo 5 xabo la keenay July 2013 , 4 xabo oo kalana le keenay bisha October 2013, shaqsiyaadka iyo masuuliyaadka Baabuurta nabadsugida loo qeybiyey waxaa kamid ah:-
  1. 1.Hussein Macalin Waxaa la siiyey Baabuur aan xabadu Karin, Hussein waa saaxiibka Bashiir Goobe, labadaan nin waxaa ay shirko ku ahaayeen Maqaayad London ku taalay, Hussein wuxuu sheegtaa lataliyaha Madaxweynaha ee la dagaalanka argagixisada,

  2. Ina Macalin Nuur, oo ku magacaaban Taliyaha Saadka Milateriga Soomaaliya waxaa la siiyey Baabuur aan xabadu karin, Ina Macalin Nuur waa wiil dhalinyaro ah ka yimid qurbaha, horey aan ciidan usoo noqon balse jagadaan loo magacaabay xiligii Dawladda Shariif, 
  3. Gen Cabdikariin waxaa la siiyey Baabuur aan xabadu Karin, Ninkani xiligii Agaasimihii hore nabadsugida xilka laga qaaday ayuu kusime noqday maalmo kooban.

  4. Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya waxaa la siiyey Baabuur aan Xabadu Karin.
  5. Wasiirkii Hore ee arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka haatana ah wasiirka amniga qaranka Mr Cabdikariin waxaa la siiyey Baabuur aan xabaduhu Karin (Damujadiid).
  6. Wasiiru Dawlahii hore ee madaxtooyada haatana ah wasiirka Dastuurka isagana waxaa la siiyey Baabuur aan Xabaduhu Karin (Damujadiid) Cabdala Caballa oo kamid ah kuxigeenada Nabadsugida qeybta Macluumaadka ahna taliyaha Ruuxaanta isagana waxaa la siiyey Baabuur aan xabadu Karin.

  7. Gabadha lagu magacaabo Aamino oo ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Nabadsugida iyana waxaa la siiyey Baabuur aan Xabadu Karin.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in 40 Hilux oo imaaraadku u keenay hay’adda Nabadsugida oo bartamihii sanadkii hore laga dejiyey dekeda Muqdisho in dhamaan Baabuurtaa lagu xareeyay Garoonka Xalane , Baabuurtaas oo haatan la sheegayo in Bashiir Goobe uu Car dealers-ka Muqdisho u gudbiyey si ay u gadaan.

Bashiir Goobe oo mar soo ahaa Taliyaha kuxigeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaan la moodin inuu yahay nin ka liita aqoonta nabadsugida.Bashiir Goobe ayaa xilligii uu ahaa Taliye ku xigeenka ,Booliiska Soomaaliyeed ka dhigay mid uun lagu mushaar qaato oo ay lacagaha kala goostaan Saraakiisha Booliiska iyo Masuuliiyiin UNDP ka tirsan. Waxaa ilaa xiligaan faylasha Booliiska lacagaha lagu qaato ku jira Booliis la tababaray xiligii Dawladdii Cabdullahi Yusuf oo qaar mar hore dhinteen, qaar shaqada booliiska isaga tageen, ma jirto tiro la og yahay oo Booliis ah oo gobolada dawladu gacanta ku hayso u qoran, gobolada qaar Booliiska jooga dhowrkii bilba hal mar ayaa bil loo tuuraa, gobolada qaar oo shabaabka laga xoreeyay iyaga booliiska iyo ciidanka jooga waxba lama siiyo, hawshaas mugdiga ku socota oo lacagaha badan ku baxaan waxaa injineer ka ahaa Gen bashiir Goobe, ilaa haadatan la joogo lama yaqaano nambarka saxda ah ee Booliiska soomaaliya.

  1. Gen Bashiir Goobe oo horey uga tirsanaa sportska soomaaliya,  ayaa la sheegayaa inuu hanti badan ka dhacay Booliiska iyo Nabadsugida Soomaaliya isagoo la sheegayo inuu ilaa 3 guri oo qasri ah ku leeyahay Dalka Kenya, Magaalada Nairobi, sidoo kale Bashiir Goobe ayaa guri weyn oo qasri ah ka gatay dalka Masar, Ingiriiska wuxuu ka gatay hal guri.

  2. Si kastaba ha ahaatee,Hay'ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia waxay u muuqaataa mid burburtay maxaa yeelay waxaa beeylahay dhamaan hoowlahii loo igmaday iyadoo xalayto iyo habeen hore hoobiyeyaal lagu weeraray Villa Somalia halkii looga fadhiyay inay sugaan guud ahaan amaanka Dalka Somalia.



source:- waagacusub

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada