Daawo Sawirada:- Labadii nin ee bartamaha London ku dilay Askari British ahaa oo xabsi daa'in lagu xukumay

Daawo Sawirada:- Labadii nin ee bartamaha London ku dilay Askari British ahaa oo xabsi daa'in lagu xukumay

daajis.com:-Maxkamada Dhexe ee magaalada London ayaa goor dhoweyd xabsi daa'in ku xukuntay, labadii nin ee xagjirka ahaa ee bishii May ee sanadkii hore ku dilay Xaafada Woolwich ee koofur bari magaalada London.

Labada nin oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa maalin barqo cad wadada xaafada Woolwich ku tooreeyay askari ka mid ahaa ciidamada qalabka sida Britian.

Michael Adebolajo ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, halka ninkii kale ee la socday lagu xukumay 45-sano xarig, sida uu ku dhawaaqay xaakimka Maxkamada.

Adebolajo oo 29-jir ah iyo Adebowale oo 22 ayaa gaari ku dhiftay askariga lagu magacaabayay Fusilier Rigby, kadibna tooreey ka dhacay, waxaana inta aysan qudha ka jarin ka soo gaaray booliska oo rasaas lugaha uga dhiftay, kadibna xiray.

Adebolajo ayaa labo sano ka hor ka soo muuqday Maxkamad ku taal Mombasa, kadib markii ciidamada Kenya ay qabteen, isagoo doonayay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Xaakimka ayaa ku tilmaamay falkan mid gurracan, waxaana markii uu xukunka ridayay ay ku dhawaaqayeen labadii nin "Allaahu Akbar", waxaana Adebolajo uu ku dhawaaqayay erayo ahaa inuu yahay Askarigii Alle, isla markaana Mareykanka iyo Britain aanay marna bad baadi doonin.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada