Daawo Sawirada:- Nin Xaaskiisa si naxariis dara ah u gubay kadib markii uu ka carooday Gabar ay u dhashay

Daawo Sawirada:- Nin Xaaskiisa si naxariis dara ah u gubay kadib markii uu ka carooday Gabar ay u dhashay

daajis.com:-Nin u dhashay wadanka Hinbdiya oo dhalinyaro ah ayaa dab qabadsiiyay haweeney xaaskiisa aheyd oo xilligaasna ummul aheyd kadib markii uu ka carooday xaaskiisa oo gabar u dhashay.

Booliska gobolka bariga Hindiya ku yaala ee Jharkhand ayaa sheegay in haweenayda la gubay oo 22 sanno jir aheyd laguna magacaabi jiray Annu Devi ayaa wada gubatay waxaana uu saygeeda dabka qabadsiiyay xilli ay nuujinaysay gabar yar oo ay dhashay.

Boolisku waxaa uu sheegay in ninka la yiraahdo Gunjan Masat,uu xaaskiisii iyo gabadhiisaba gubay wax yar kadib markii uu shaqada kasoo laabtay waxaana xilliga uu gubayay adeegsaday gaas asagoona guriga ku xiray.


Aabaha dhalay haweeneyda la gubay oo la yiraahdo Raghuuni Rana ayaa u sheegay booliska in ruuxa dhibaatada geystay iyo qoyskiisaba ay aad ugu faraxsanaayeen guurka Annu Devi hase ahaatee ay arrintu xumaatay markii Annu ay gabar dhashay.

“Waxay bilaabeen in gabadha ay handadaan oo ay jir dilaan tan iyo markii ay gabadha dhashay ugu dambeynna waa ay gubeen” ayuu yiri Raghuuni Rana waxaana uu intaa ku daray in guurkeeda uu ku bixiyay mooto Tv iyo dhul beereed ay dalbadeen.

Howlwadeeno caafimaad ayaa ku waramaya in heerka gubashada labada ruux uu gaaray 90 digrii kadibna ay geeriyoodeen oo wax laga qaban waayay.

War booliska kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in la wada xiray intii lagu tuhmay inay falkaasi ku lug leeyihiin sida ninka falka geystay iyo walaalkiis oo lagu eedeeyay inuu caawiyay.

Sanadkii 2012 ku dhawaad 8,233 dumar ah oo u badnaa kuwa xilligaas la guursaday ayaa dalka Hindiya lagu dilay sababo la xariira lacagaha gabdhaha laga bixiyo oo lagu murmay.

Bixinta lacagaha sooryada ayaa ah sababta ugu weyn ee dalka Hindiya aadka loogu dhibsado maxaa yeelay marka loo eego dhaqanka Hindida ayaa ah in gabadha laga bixiyo lacag sooryo ah.




Xigasho Daily Mail.
W/Tarjumay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada