DAAWO SAWIRADA:- Oday 97 Jir Ah Oo Geeriyooday Lix Bilood Kadib Markii Uu Guursaday Gabadh 70 Sano Ka Yar ?

DAAWO SAWIRADA:- Oday 97 Jir Ah Oo Geeriyooday Lix Bilood Kadib Markii Uu Guursaday Gabadh 70 Sano Ka Yar ?

daajis.com:-Nin Oday ah oo da’diisu ahayd 97 Jir u dhashay dalka Ciraaq ayay wargaysyada kasoo baxa dalkaasi ay aad u hadal hayeen dhimashadiisa.

 
Ninkan ayaa guursaday gabadh aad uga da’yar ka hor lix bilood intii aanu dhiman, kaas oo warbaahintu ay aad u qaadaa dhigayeen xiligii uu Arooska ahaa iyo haatan oo uu geeriyoodayba.


 
Sido kale odaygan oo la odhan jiray Musli Mohammed Al Majmai ayaa ka yaabiyey dalkaasi Ciraaq iyo dunida kale dadka ku nool kadib markii uu guursaday gabadh ka yar ugu yaraan 70 sano.


 
Iyadoo laba uu awoow u yahay ay guursadeen isla maalintaasi waxayna ku aqalgaleen gurigoodii hore oo ku yaalay gobolka Saladin oo ka tirsan waqooyiga Ciraaq ee caasimadda Baqdaad.


 
Ugu danbeeyntii wargays ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Al Majmai uu lahaa 325 carruur ah, oo isagu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen oo uu awoowe u yahay oo hada qaar ka mid ahi ay reer iyo caruurba leeyihiin.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada