Mucjiso: Nin Mudo Hal Sano kabadan Dooni la sabeeneysay Badweynta oo la helay isaga oo nool"Daawo Sawirada"

Mucjiso: Nin Mudo Hal Sano kabadan Dooni la sabeeneysay Badweynta oo la helay isaga oo nool"Daawo Sawirada"

daajis.com:-Jose Salvador Alvarenga oo ah Nin Kaluumeeste u dhashay Dalka El Salvador ayaa la helay isaga oo nool kadib markii Badweynta lagu waayay mudo hada laga joogo Hal Sano iyo Labo Bilood, waxa uuna intaasi ninkan nolosha hada lagu helay uu dul sabeenayay Badweynta.

Wargeysa Daily Mail ayaa qoray in Ninkan Maalintii khamiistii lasoo dhaafay laga helay xeebta jasiiradaha Marshal isaga oo nool, balse xaaladiisa ay aad u liidatay maadaama mudo Sanad ka badan oo Badda dul sabeenayay.

Jase iyo Nin Saaxibkiis ah ayaa Kaluumeesi waxa ay u aadeen Badweynta si ay u soo dabtaan Libaax badeed , hasa ahaatee waxaa haleeshay nasiib daro kadib markii ay ka jabtay doonidii ay wateen iyadoona waxii waqtigaa ka dambeeyay Badda ay sabeenayeen oo marba Muujado meel u kaxeeneesay.

Ninkan hada la helay isaga oo nool iyo Saaxiibkiis ayaa markii ay ka dhamaadeen Cuntooyinkii iyo waxii ay wateen waxa ay bilaabeen in ay Ceyriinka ku cunaan Malayga iyo Noolayaal kale oo badda ku jiray ayna cabaan dhiigooda si ay ugu sii noolaadaan , hasa ahaatee waxaa bilo kahor naftu deesay oo dhintay Jose Ivan Saaxiibkiis.

Ninkan u dhashay Dalka El Salvador ayaa intii uu Badda sabeenayay waxa uu jaray masaafo laba iyo toban kun oo kilometer lagu qiyaasay , waxaana hada ninkan loo duuliyay Dalkiisa halkaas uu mudo kadib dib ula midoobay qoyskiisa oo ka samray.

Jose Salvador Alvarenga oo hada 37-Sano jir ah ayaa qoyskiisa ka tagay 15-sano kahor waxa uuna intaasi kunoolaa Dalka Mexcio , Qoyska ninkan kaluumeestaha ayaana farxad la ilmeeyay markii ay dib u heleen Wiilkooda Mudada fog ka maqnaa.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada