Nin Isdilay Kadib Markii Ay Xaaskiisa Ku Garaacday Meel Public Ah Oo Aad U Mashquul Badan,

Nin Isdilay Kadib Markii Ay Xaaskiisa Ku Garaacday Meel Public Ah Oo Aad U Mashquul Badan,

daajis.com:-Nin da,diisu tahay 32 jir ah ayaa isku gubay aqal hortiis kadib markii xaaskiisu ku garaacday meel ay dadku isugu yimaadaan oo lagu nasto ee dalkasi Hindiya magaalada Mumbai.
 
Wuxuu ahaa dirawal, ninkan isdilay ayaa guursaday toban sano ka hor xaaskiisa waxaana uu lahaa gabadh iyo wiil. Sikastaba ha ahaatee way kala tageen afar sano kadib, sida lagu sheegay websiteka la yidhaah NDTV.com.

 
Sido kale ninkani ayaa mararka qaar iman jiray guriga xaaskiisa si uu ula kulmo carruurtiisa oo uu aad u jeclaa.

 
Waxay ahayd maalin taariikhiya, markii uu tagay gurigii xaaskiisa oo ay ka codsatay inuu yimaado si ay u kulmaan markii uu yimi ayaa xaaskiisa iyo qoyskeedii ay garaaceen ninkii oo ay jirdileen iyadoo ay dadkii ay isugu soo baxeen si ay u daawadaan waxa dhacaya.



Ninkii ayaa u qaadan waayey bahdilida dadweynaha. Wuxuuna ku noqday gaadhigiisii kadibna soo qaatay shiidaal laba liitir ah oo quraarad ku jira, kadibna isku wada rogay betroolkii kadibna dab is qabadsiiyey xaaskiisa hortii iyo qoyskeedii iyagoo arkaya.


Dadkii ayaa amakaagay kadibna u gurmaday oo ula cararay cusbitaal. Ninkani ayaa la tacaalayey noloshiisii laba cisho isagoo aad ugu gubtay dabkii kadibna waa uu geeriyooday.


Hase yeeshee Saraakiisha bileyska ayaa ninkan ku qoray diiwaanka dadka naftooda ku khamaara , waxaana Ninkii maydkiisii loo gacan geliyey qoyskiisii loona sheegay inuu isagu isdilay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada