Topnews:- Ra'isulwasaaraha Turkiga oo ku wajahan Muqdisho - ujeedada Safarka?

Topnews:- Ra'isulwasaaraha Turkiga oo ku wajahan Muqdisho - ujeedada Safarka?

daajis.com:-Ra'isulwasaaraha Dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu dhowaan Booqasho Rasmi ah ku yimaado Muqdisho sida ila wareedyo ah.

Madaxweyne Garguurte ayaa kulan hordhaca la yeeshay wafuud ka socotay xafiiska Ra'isulwasaare Erdogan iyo Safaarada Turkiga ee Somalia .

Wafdiga ayaa u gogol xaaraya safarka Ra'isulwasaaraha Turkiga ee Muqdisho Raisul wasaaraha qiimaha badan ee Turkeyga ayaa la filayaa inuu booqdo mashaariicda iyo dib u dhiska dalkiisu ka wado Magaalada Muqdisho, wuxuuna xariga ka jari doonaa Isbitaalka Digfeer oo Dowlada Turkiga ka dhigeen mid qurux badan oo dhexdiisa la moodo xaafad ku wanaagsan dalxiiska.

19-ka August 2011 ayaa Raisulwasare Erdogan iyo qoyskiisu booqasho taariikhiya ku tageen Muqdisho xiligaa oo abaar Macluul daran wadata ka jirtay dalka Somalia gaar ahaan xerooyinka uu booqday ee Gobolka Banaadir.

Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia iyo hay’adaha Turkiga  ayaa laga soo xigtay inuu Ra'isulwasaare Erdogan tegi doono Muqdisho marka la dhameeystiro hagaajinta wadada isku xirta  Garoonka iyo Madaxtooyada, Turkiga waxay dhismo ku wadaan wadada isku xirta KM4 iyo Isbitaalka Digfeer,waxaana socdaalka Mr Erdogan quseeyaa sidii indhaha Caalamka loo tusi lahaa inay Muqdisho nabad tahay oo quruxdeeduna dib u soo laabatay.

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed u mahad celiyeen Dawlada Turkiga, Shacabkeeda iyo Raisul Wasaaraheeda qiimaha badan Mudane Erdogan haddana waxay jeclaan lahaayeen in waftiga Raisul wasaaraha iyo saxaafada la socoto aan socodkooda lagu ekeynin wadooyinka yar ee dib loo dhisay sida wadada Maka Al Mukarama ee tagta Madaxtooyada iyo wadada Tagta Isbitaalka Digfeer.

Dadka Muqdisho waxay jeclaan lahaayeen inuu Mudane Erdogan iyo Saxaafada la socotaba booqdaan wadooyinka ugu waaweyn Muqdisho ee burbursan wali sida,  Jidka Wadnaha, Jidka Sodonka iyo Jidka Warshadaha, Jidka wadada Madiina ee taga ilaa Xoosh, Wadada Sanco ilaa Suuqa xoolaha .

Dalka  iyo dadka Turkiga waxay taariikh dahaba uga qoran yihiin jiritaanka Qaranimada Somalia iyadoo lagu xasuusan doono gurmadkooda qiimaha badan ee lagu beegay xilli baahan weyn loo qabay.

Turkiga waxay Muqdisho ka hirgeliyeen mashaariic kala duwan sida dib u dhiska wadooyinka,Xarumaha Dowladda ,Caafimaadka iyo Xarumaha Waxbarashada .

By Dahir Alasow
dahir.alasow@waagacusub.net

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada