Daawo Sawirada : Wiil Dhalinyaro Hubeesan oo watay Magacyada Wariyaal la qorsheeyay in la dilo oo la qabtay

Daawo Sawirada : Wiil Dhalinyaro Hubeesan oo watay Magacyada Wariyaal la qorsheeyay in la dilo oo la qabtay

daajis.com:-Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa Dagaalyahanada Al-Shabaab kaa oo watay Liis ay ku qornaayeen Magacyada dad ay ku jiraan Wariyaal la qorsheeyay in la dilo.

Saraakiisha amaanka maamulka Galmudug ayaa maanta ku soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo kooxo ay ku soo qabqabteen howlgalo ay xalay ka sameeyeen koofurta magaaladaas.

Taliyaha ciidamada amaanka maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo G/Sare Maxamed Cali Nuur (Gidaar) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kooxaha amaan darada waday ee ay xalay qabqabteen uu ku jiray wiil dhalinyaro ah oo bastoolad ku hubeysnaa.


“Wiilkan waxaa uu ka tirsan yahay Al-shabaab magaciisa waxaa la yiraahdaa C/xakiin Xasan Maxamuud oo 16 sano ah, waxaana uu ka mid ahaa kooxo dad ku laayey xalay woqooyiga Gaalkacyo, bastooladii uu fal dambiyeedka ku galayna waan tanaa” ayuu intaa ku daray taliyaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Taliyuhu in sidoo kale ay howlgalkaas ku soo qabteen buug ay ku qornaayeen magacyada shaqsiyaad la qorsheeyey in la qaarajiyo oo isugu jira saraakiil, siyaasiyiin, weriyeyaal iyo dad kale oo ku sugan Gaalkacyo.

Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in maamulka Galmudug wiilka ay qabteen ay ku wareejiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo gaaray xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada