DAAWO SAWIRRADDA:- Safiirka Somalia ee Turkiga oo kulan la Qaatay Madaxa Hay"adda ugu sareeysa Diinta Dalka Turkiga

DAAWO SAWIRRADDA:- Safiirka Somalia ee Turkiga oo kulan la Qaatay Madaxa Hay"adda ugu sareeysa Diinta Dalka Turkiga

daajis.com:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulan la qaatay madaxa hay"adda ugu sareysa xaga diinta dalka Turkiga ee la yiraahdo Diyanet Mehmet Gormez.

Kulankan oo u jeedadiisu aheyd dardargelinta iyo adkeynta xiriirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda ugu sareysa Diinta dalka Turkiga ayaa waxa uu dhexmaray Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Madaxa Hay’adda Dayanet Mehmet Gormez ayadoo labada mas’uulna ay ka wada hadleen sida xiriirkaasi iyo wada shaqeynta loo hormarin karo.
Mudo saacad ah oo kulankan socday kadib waxaa la isku afgartay qodobada soo socda:-
  1. In Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya wafdi sare oo uu hogaaminayo ay booqasho ku tagaan dalka Turkiga.
  2. In tababar loo fidiyo dhammaanba howlwadeennada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya si laamaha kala duwan ee Wasaaraddu ay u noqdaan kuwo hormarsan.
  3. In Hay’adda ugu sareysa xaga Diinta dowladda Turkiga ee Diyanet ay ka taageerto Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hormarinta iyo casriyeynta howlaha Wasaaradda.
Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u sheegay Radio Muqdisho in qodobadii lagu ballamay hirgelintooda ay u xilsaarantahay Safaaradda islamarkaana arrimahan lasii ambaqaadi doono marka Wafdiga Ra’isulwasaare ku xigeenka hogaaminayo ay tagaan dalkaasi Turkiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada