DAAWO VIDEO:- Hab-dhaqanka gadiid Wadayaasha Muqdisho oo laga qeyliyay

DAAWO VIDEO:- Hab-dhaqanka gadiid Wadayaasha Muqdisho oo laga qeyliyay

daajis.com:-Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa ka qeyliyay hab-dhaqanka Darawalada gaadiidka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka, kuwaasi oo aan sharciga ilaalin isla markaana hab-dhaqankoodu uu yahay mid aan loo dul qaadan karin.

Howlgal lagula dagaalamayay darawalada gaadiidka BL-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabqabtay ilaa 20 Darawal iyo gaadiidkooda, kuwaasi oo qaarkood lagu eedeeyay in aysan haysanin sharciyadii baabuurta lagu wadayay, halka qaarka kale ay si sharci darro ah u isticmaalayeen jid aan ahayn kii loogu talagalay iney isticmaalaan.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Jen. Cali Xersi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay in hab-dhaqanka darawalada gaadiidka BL-ka uu yahay mid ay la yaaban yihiin isla markaana aysan u dul qaadan doonin wixii hadda ka danbeeya, isagoo tilmaamay in 20- baabuur iyo darawaladooda ee lasoo qabtay 17 ka mid ah ineysan haysan sharciga gaari wadista, halka qaarka kale ay gaadiidka dadweynaha meeshii gacanta looga taago ay ku istaajiyaan iyagoo aan iska fiirin wixii ka danbeeya iyo wixii ka horeeya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada