Kulan duco oo Villa Somalia loogu sameeyay ra"iisul wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen (SAWIRRO)

Kulan duco oo Villa Somalia loogu sameeyay ra"iisul wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen (SAWIRRO)

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay Ra"iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnimada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xaflad casho sharaf ah oo Madaxtooyada lagu qabtay xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiiro, wafdi ka socday Puntland iyo Jubba iyo Madax dhaqameed Soomaaliyeed ayaa loogu duceeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Madaxweynaha ayaa yiri “ Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhu Raajicuun, geeridu waa xaq, Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaan u baryayaa in EEBBE uu janadii fardowsa ka waraafiyo, eheladii, asxaabtii iyo Soomaalida oo dhanna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Cabdirisaak sanad ka hor baan Mareykanka ku kulanay oo aan waqti wada qaadanay, ka dina aan wada xiriirnay. Ra’iisul Wasaarihii hore waxuu ahaa shaqsi u istaagay midnimada Soomaaliyeed oo weli daneynayey inuu dalka wax walba la qabto. Waxaan is dhaafsanay qoraallo uu tallooyinkiisa ku soo jeedinayey. Waxaana ka codsaday inuu dib-u-heshiisiinta dalka horseed ka noqdo, iyadana waa uu iga aqbalay ee ALLAHA u naxariisto”
Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, Madax dhaqameedyada Ugas Maxamud Cali Ugaas, iyo Boqor Burhan Boqor Muse, Hoggaamiyaha Jubba Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxemed Cali Gaas, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada