DAAWO VIDEO:- Sheeko cajiib ah oo laga sameeyay guryaha la kala haysto

DAAWO VIDEO:- Sheeko cajiib ah oo laga sameeyay guryaha la kala haysto

daajis.com:-Short Film-kan oo ujeedada laga leeyahay uu yahay ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo qawaaniinta dalka in loo maro wado sharci ah ayaa waxaa lagu soo qaatay sheeko cajiib ah oo ka turjumeyso dhibaatooyinka dagaaladii sokeeye iyo guryaha la kala haysto mudada 22 sano ee nidaam la’aanta dalka ka jiray.

Sheekaddan oo ah mid ka hadleyso guryaha la kala haysto ayaa waxaa ay noqotay mid intii daawatay soo jeedatay, iyadoo dadka lagu baraarujinaayo in dastuur iyo garsoor la’aan aysan ummad dhan wada noolaan karin.

Sheekadan cajiibka ah ayaa waxaa ka dhex muuqda nin gurigiisa xiligii dagaalada la qabsaday, markii ay dowladda dhexe, dhalatay kadib u yimid qoyskii haystay, markii uu isu sheegay in uu yahay qofka guriga lahaa ayaa shirqool ay u dhigtay gabadh ka mid aheyd dadka guriga deganaa iyadoo soo kireysaneysa nin dadka dila, ayaa waxaa shirqoolkii ku dhimanaya Aabaheed, sidaasina uu ku badbaadayo ninkii guriga laga haystay.

FG: Sheekaddan ma ahan mid siyaasadeysan, laakiin ujeedada laga leeyahay waa in wax walbo loo maro qaab dastuuri ah iyo xeerka Soomaalida.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada