Duqeymaha lagu beegsanayo saaraakiisha ugu sareeysa Xarakada Al-Shabaab oo lagu hanjabay in la kordhinayo

Duqeymaha lagu beegsanayo saaraakiisha ugu sareeysa Xarakada Al-Shabaab oo lagu hanjabay in la kordhinayo

daajis.com:-Dowlada Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay kordhineyso Duqeymaha ay geestaan Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Drones-ka ee lala beegsanayo Saraakiisha sar sare Xarakada Al-Shabaab .

Saraakiisha Milateriga Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa ku hanjabay in ay kordhinayaan howlgalka looga soo horjeedo Kooxda Al-Shabaab oo xariir buuxa la leh Ururweynaha Al-Qaacida.

Waxa ay tilmaameen Saraakiisha Mareykanka in Xarakada Al-Shabaab ay khatar weyn ku hayaan geeska Afrika, sidaa darteed ay ka hortagayaan khataraha kooxdaasi kuna bartilmaameedsan doonaan meel kasta ay joogaan.

Duqeyn ay geesatay Diyaarad Nuuca aan Duuliyaha laheyn oo laga leeyahay Dalka Mareykanka ayaa dhamaadka bishii hore waxa ay Duqeyn ku dishay sargaalkii ugu sareeya Al-Shabaab dhinaca Caafimaadka Sahal Isku dhuuq.

Dowlada Mareykanka ayaa horey u sheegtay Masuuliyada Duqeymo dhoor ah oo lagu dilay Saraakiil sar sare oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo isugu jira Soomaali iyo AJaaniib .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada