Farxiya Kabayare oo ugu dambeynti xafladeedi Nairobi ku guulaeysatay + sawiro

Farxiya Kabayare oo ugu dambeynti xafladeedi Nairobi ku guulaeysatay + sawiro

daajis.com:-Fanaanada Farxiya Kabayare ayaa xalay ku guuleysatay xaflad wax badan la agaasimayay oo la rabay iney si dhib aan ku jirin uga dhacdo magaala madaxda Kenya ee Nairobi. Kabayare oo xaflad ku qabatay Uganda dhamaadki sanadki tagay ayaa si fiican u dhicin. Farxiyo ayaa go'aansatay iney ka dhigto xaflad labaad Nairobi taaso ka dhici rabtay 11kii bishi tagtay ee febraayir. Sababo aan la shaacin owgood ayaa xafladaas u baaqatay.

Farixya oo boggeeda Facebook ku xustay in xaflada baaqatay ayaa tiri, 'Waan ka xumahay inuu showgeeygi baaqdo, sababo xagga amniga owgood.' xogo ku dhow ayaa sheegaya in dad kasoo horjeeda fanka Somalida eey qarash ku bixiyeen si loo afgambiyo xafladas.
Si kasto ahaataba Farxiya ayaa muujisay iney xafladas hir galiso, waxey xayaysiisaba bil kabacdi ayey ku qabatay isla Nairbo xaflad aad looga soo qeyb galay si wacana loosoo agaasimay ayaa si nabad iyo farxad ku jirta uga dhacday City Hall ee Nairobi.


Xafladan ayaa la daadihinayay fanaanita kala ah Iqra YareyCismaaneetoMaxamed Deeq, iyo Ooyaaye. Farxiya ayaa ku wajahan Australia ayadoo xaflad taas la mid ah ku qaban doonta bilaha soo socda.
Waxa xusid mudan in mar dhibaato kasoo gaartay Nimca Dareen marey xaflad ku qabaneysay Nairobi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada