Goal Oo Shaacisay Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Dalabkii Ay Arsenal Ku Doonaysay Luis Suarez.

Goal Oo Shaacisay Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Dalabkii Ay Arsenal Ku Doonaysay Luis Suarez.

daajis.com:-Shabakada Goal ayaa ogaatay warar dheeraad ah oo kusaabsan dalabkii Arsenal ay ka gudbisay Luis Suarez xaggaagii markaas oo ay ku dalbadee 40 milyan oo Ganni.

Shabakada Goal qaybteeda Englnad ayaa shaacisay inay ogaatay faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan dalab kii ay kooxda Arsenal ku doonaysay weerar yahanka ree Uruguay Luis Suarez, Goal ayaa sheegaysa in maamulka kooxda Liverpool ay usoo ban dhigeen dhigooda Arsenal inay miiska soo saaraan 40 milyan oo Ganni iyo laacibka ree England ee Theo Walcott.
Goal ayaa intaas sii raacisay in tababare Arsene Wenger uu si toos ah u diiday dalabka kooxda Liverpool isagoo u arkay in qiimaha laacib kaan uu yahay mid qaali ah maadaama ay tagayso lacagtiisa 65 milyan oo Ganni marka heshiiska uu qayb ka noqdo Theo Walcott, taas ayaana keentay in labada dhinacba ay isku mariwaayaan wada xaajoodkii u dhaxeeyay.
Arsenal ayaa doonaysay Luis Suarez intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xaggaagii tagay laakiin intabadan wax faah faahin ah lagama helin qaabka ay wax u wadeen labada kooxood balse Goal ayaa ogaatay qaar ka mid ah wadahadaladii dhex maray labada kooxood taas oo keentay ugu danbayntii in lagu kalaboodo wada hadalada maadama koox walbo ay fiirsanaysay danaheeda gaar ka ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada