Goobaha Internet Caffe-yadda Muqdisho oo ka macaashay amarkii Al-Shabaab kusoo rogeen Shirkadaha Isgaarsiinta

Goobaha Internet Caffe-yadda Muqdisho oo ka macaashay amarkii Al-Shabaab kusoo rogeen Shirkadaha Isgaarsiinta

daajis.com:-Goobaha internet Caffe-yadda kuyaala Magaalada Muqdisho ayaa ka macaashay amarkii Xarakada Al-Shabaab ku joojiyeen Adeegyadii Internetka ay bixin jireen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka .

Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa macaamiil badan helay kana macaashay Amarkii Xarakada Al-Shabaab kusoo rogeen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka goobaha Internet Caffe-yadda kuyaala Magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Gobolada Dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa aad u isticmaali jiray adeegyada Internetka ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ,taa ay kaga maarmeen in ay tagana goobaha internet Caffe-yadda.

Marka aad tagto goobaha internet Caffe-yadda kuyaala Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan ah kuwa aad mashquul ah , Waxaana macaamiisha cusub ay hada heleen internet Caffe-yadda yihiin kuwii Internetka ka isticmaali jiray Moobelada.

Dadka hada buux dhaafiyay Goobaha internet Caffe-yadda ayaa ah kuwa halkaasi kala sheekeesanaya asxaabtooda kunool Caalamka iyo kuwa kala soconaya aqbaaraadka kala duwan ee lagu qoro Websetyada.

Qaar kamid ah Milkiilayaasha internet Caffe-yadda kuyaala Muqdisho ayaa u arka Go'aanka AL-Shabaab ku joojiyeen Adeegyadii Internetka ay bixin jireen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka mid iyaga dan iyo macaash badan ugu jirta kuna heleen Macaamiil fara badan aysan horey u heesan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa faa'iido badan ku qabay adeega Internetka ee laga dhax isticmaali jiray Moobeelada , waxa ayna dadku kula xariiri jireen adeegaasi iyaga oo guryahooda jooga asxaabtooda Daafaha dunida ku sugan ,waxa kale ay kala socon jireen aqbaaraadka kala duwan ee ka dhaca gudaha iyo Dibada.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada