Guul daradii Xanuunka badneed ee Naadiga Arsenal kasoo gaartay Kooxda Liverpool oo Geeri sababtay !!

Guul daradii Xanuunka badneed ee Naadiga Arsenal kasoo gaartay Kooxda Liverpool oo Geeri sababtay !!

daajis.com:-Boliiska Kenya ayaa ugaarsanaya fal dil ah ka dib markii taageere Liverpool nafta looga qaaday toorey ama mindi ka dib kulankii Arsenal looga badiyay Anfield sabtidii.

Ninka la tuhmayo ayaa ahaa taageere Arsenal kaasoo kooxdiisa 5-1 looga badiyay, waxaana falka uu dhacay ka dib markii meel laga cunteeyo ay ciyaarta ku daawadeen oo ku taala Meru, sida ay BBCda ka soo xigatay dad halkaas degan.
Waxa ay u sheegeen in taageeraha Arsenal uu mindi la soo baxay islamarkaana uu geliyay ninka kale kaasoo ku dhintay cusbital.
Kenyaan badan ayaa si waali ah u la socda kubada cagta Ingariiska.
Wariyaha idaacada BBC Angela Ngendo oo ku sugan caasimada Nairobi ayaa ku warantay in meelaha lagu daawado ciyaaraha in inta badan ay yihiin kuwa la buux dhaafiyo marka ay jiraan kulamada waa weyn.
Sannadkii hore taageere Manchester United ah ayaa nafta iska qaaday ka dib markii kooxdiisa ay guuldarro ka soo gaartay Newcastle United.
2009kii taageere Arsenal ah ayaa isna is daldalay ka dib markii kooxdiisa ay guuldarro ka soo gaartay Manchester United.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada