SAWIRRO:- Oohintii Balotelli Ilaa Iyo Mashaqada Man United – Sawiraddii Ugu Fiicnaa Ee La Qaaday Isbuucaan.

SAWIRRO:- Oohintii Balotelli Ilaa Iyo Mashaqada Man United – Sawiraddii Ugu Fiicnaa Ee La Qaaday Isbuucaan.

daajis.com:-
367656_heroa
Halkaan ka daawo sawiradii ugu fiicnaa ee kulamadii isbuuca ee la ciyaaray adduunweynaha kubada cagta.
Ka dib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray isbuucaan, Shabakada Goal.com ayaa uruurisay sawiradii ugu fiicnaa ee laga qabtay garoomada kubada cagta.
Weeraryahanka Croatia Mario Mandzukic ayaa waxaa la dabaaldegaya Philipp Lahm ka dib markii uu gool u dhaliyay Bayern Munich.
Taageerayaasha Liverpool oo agmaraya guryo aan la deganeyn intii ay u sii socdeen kulankii kooxdooda ay kula ciyaartay Anfield kooxda Arsenal.

Raheem Sterling ayaa waxaa u hambalyeeynaya Luis Suarez ka dib markii uu gool ka dhaliyay Arsenal.
Darren Bent ayaa mashaqo badan u soo hooyay Man United ka dib markii uu ilbiriqsiyadii ugu danbeysay goolka barbaraha u dhaliyay Fulham.

Pablo Osvaldo ayaa darbadiisa ay brita ku dhacday daqiiqadii ugu horeysay ee uu Juve u ciyaaro kulankii Verona.
Xiddiga Montpellier M’Baye Niang oo ku riyaaqaya nolosha garoonka inkastoo banaanka uu dhibaato ku wajahayo.

Jamaahiirta Roma oo iyaga uun qaac isku shiday kulankii Rome derby ee Lazio.

Lionel Messi oo la tacaalaya xaalada garoonka iyadoo Barcelona ay 4-1 kaga badisay Sevilla garoon roob uu ka da’ ayay

Mid ka mid ah shaqaalaha Benfica oo murugeysan ka dib markii arimo amaan darteed loo baajiyay kulankii ay la lahaayeen Sporting.
Leonardo Pisculichi ayaa shabaqa soo taabtay kulankiisii uu ku soo laabtay Argentinos Juniors (credit: Fotos Télam)

Manuel Friedrich ayaa ku daray goolka 3aad iyadoo Dortmund ay ku kala dhantaashay Werder Bremen 5-1.

Zlatan Ibrahimovic oo fal celin sameynaya iyadoo PSG ay barbaro 1-1 kala kulantay Monaco.

Josip Ilicic ayaa dabaaldegaya ka dib markii uu dhaliyay goolkii furitaanka ee Fiorentina ee kulankii Atalanta.

Jermain Defoe ayaa waxaa kor u sida ciyaartoyda Spurs ka dib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee White Hart Lane.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada