Maamulka Somaliland oo Deegaanada ay kataliyaan ka mamnuucay Tv-ga Universal kadib markii uu baahiyay Barnaamij ka careesiiyay

Maamulka Somaliland oo Deegaanada ay kataliyaan ka mamnuucay Tv-ga Universal kadib markii uu baahiyay Barnaamij ka careesiiyay

daajis.com:-Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada ay kataliyaan ay ka mamnuuceen in uu kasii howl galo Tv-ga Madaxa banaan ee Universal Tv-kaa oo lagu eedeeyay baahinta Barnaamij wax loogu dhimayay madaxweynaha Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cabdilaahi M Daahir Cukuse oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa shaaciyay in ruqdasii shaqo kala noqdeen Tv-ga Universal maanta waxii ka dambeeyana uusan ka howl gali doonin deegaanadooda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dacwad kusoo oogayaan Milkiilaha Tv-ga Universal oo dhawaan baahiyay Barnaamij loogu magac daray Faaliyaha Qaranka kaa oo wax looga sheegay laguna wareestay Muuqaal loo ekeesiiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Barnaamijka ay ka caroodeen Mamaulka Somalialnd ayaa la dheegay in wax looga sheegay Qoyska uu kasoo jeedo Madaxweynaha Soomaaliland , iyadoona maamulka Somaliland sidoo kale ka caroodeen kartoon loo ekeesiiyay Axmed Siilaanyo Madxaweynha Somalialnd.

Ma ahan markii ugu horeesay oo shaqada laga joojiyo Tv-ga Universal xafiisyada uu kuleeyahay Deegaanada Somalilanad , waxaana marar kala duwan sidaan oo kale shaqada looga joojiyay Tv-ga Universal iyadoona markii dambe dib loo fasaxay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada