Andres Iniesta:- Man City Wacadarro Ayay Dhigeysaa Laakiin Shan Gool Nagama Dhalin Doonaan.

Andres Iniesta:- Man City Wacadarro Ayay Dhigeysaa Laakiin Shan Gool Nagama Dhalin Doonaan.

daajis.com:-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Andres Iniesta ayaa qirtay in Manchester City ay ku jiraan qaab ciyaareed gooldhalin oo aad u weyn, laakiin waxa uu sheegay in kooxda Manuel Pellegrini inay ku dhibtoon doono inay goolal badan ka dhaliso kooxda reer Catalan.

Labada kooxood ayaa isku arki doona wareega 16ka Champions League bishaan iyadoo weeraryahanka City Sergio Aguero uu seegi doono kulanka lugta hore dhaawac muruqa ah darteed, waxaana Iniesta uu kalsooni ku abaa in kooxda reer Spain ay labada kulanba guulo gaari doonto.
Markii la weydiiyay goolasha cajiibka ah ee ay City dhalineyso xilli ciyaareedkan, Iniesta ayaa yiri: “Dabcan waan daawaneynay natiijooyinka Manchester City, waxaana ay ahaayeen kuwa aad u cajiib ah.
“Waxa ay u muuqdeen kuwa awooda inay afar ama shan si sahlan kooxaha uga dhaliyaan, kaliyana ma ahan koox kasta laakiin qaar ka mid ah kooxaha ugu fiican England. Waxa ay awood ku leeyihiin weerarka iyo meel kasta oo garoonka ka tirsan, laakiin nagama dhalin doonaan afar ama shan gool.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada