Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay Sedax Mas'uul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay Sedax Mas'uul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya


daajis.com:-Sadex masuul oo ka tirsan DFS, ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha magaalada Hargaysa, sidaasi waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde.

Waran Cadde, ayaa Saxaafada Hargaysa u xaqiijiyay, in sadexdaan masuul ee ka tirsan DFS ay qabteen xili ay doonayeen ineey si dhuumaaleysi ah ku galaan Magaalada Hargaysa.

“Saddexda xubnood waxaa gacanta ku dhigay booliiska iyagoo doonaya inay si qarsoodi ah ku galaan Hargeysa, maxkamad ayaana soo taagaynaa,” ayuu yiri Waran-cdde.

Mas’uuliyiintan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa kala ah: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/Casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Sidoo kale, Waran-cadde wuxuu sheegay in xubnahan ay diyaaradda kasoo raaceen Muqdisho ayna doonayeen inay Hargeysa soo galaan, isagoo xusay inaysan ahayn dad halkaas taraansit ku marayay.

Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay mowqifkooda ku aadan in dadka xilalka ka haaya Dowladda Somalia ee soo gala Hargeysa iney Maxkamad soo taagi doonaan, gaar ahaan dadka asal ahaan kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Arintan ayaa waxay kusoo beegantay xili, todobaad ka hor magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kusoo dhamaaday wajigii Sedaxaad ee wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, iyadoo heshiisyadii hore u gaareen uu qeyb ka ahaa in la furo isu socodka siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, balse aan qodobkaasi u muuqan mid dhaqan galay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada